Hargeysa(Dawan)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa soo dhawaysay maalgashiga dekedda Berbera iyo saldhigga millatari ee Imaaraadka carabta ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera.
Edna Aadan waxay sheegtay in maamulka Soomaaliya ee hore u xasuuqay dadka reer Somaliand ay ka xun yihiin maalgashiga shirkadda DP World ku samaynayso dekedda Berbera iyo saldhigga milllatari,waxaana ay tilmaantay in dekedda ay kobac dhaqaale samayn doonto,isla markaana ganacsi badanina soo mari doono marsadda.
“Aniga oo ku salaynaya fikirkayga iyo waayo aragnimadayda ku wajahan sidaan u darsey mawdiica saldhigga millatari ee Imaaraadka carabta ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera,ma wax inoo dan ah baa mise waa waxaan dan inoo ahayn dal ahaan. markaa dhawr dhinac ayaan markii aan dhinacyo kala duwan dhegaystay ra’yigayga ayaan ka dhiibanayaa Edna ahaan, anigoo aan xisbina ku jirin, lacagna laygu siin goob joogna ka hayn meeshii heshiiskaas lagu galay,ilaahayna waan ugu mahadnaqayaa heshiiskaas la galay,”ayay tidhi Marwo Edna Aadan oo u warantay SLNTV.
Marwo Edna waxay sheegtay in saldhigga dawladda imaaraadka laga siiyay Berbera aanu ahayn mid waxyeelo ku leh dawladda Itoobiya ee jaarka la ah Somaliland, waxaanay tidhi, “Berbera way dayacneyd. Itoobiya waynu isku dhow nahay oo ganacsi ayaa innaga dhaxeeya, wixii Itoobiya waxyeelo u gaystaa innagana way inoo geysteen. Itoobiya waa dawlad maskax leh oo way ogtahay wixii Somaliland wax u geystaa inay iyagana dhibaato u yeelanayso, xaga nabadgelyadana waynu isku xidhan yihiin Somaliland iyo Itoobiya. Markaa saldhiggani ma aha meel Itoobiya lagaga duulayo iyana way ogtahay sidaas.”
“25 sannadood ayaa laga joogaa wakhtigii aynu ka go’nay Soomaaliya oo ahayd cadowgii weynaa ee Somaliland xasuuqay ee baa’biinayay. Soomaaliya maantana kuma farxayso hambadii ka hadhay dadkii ay xasuuqeen inay ka madax-fiiqnaadaan dhinaca horumarka,”ayay tidhi Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland, waxaanay intaas ku ladhay; “Haddii dekedda Berbera ay kobacdo oo la dhiso oo ganacsi badani soo maro, cadowga badan ee doonaya in aanay deked noqon u yaraysan maayaan in shil ka dhaco waanay jeclaysan lahaayeen in budhcad baddeedii dib u soo nooleeyaan ee ay horeba uga taajireen ee dhag xumada u soo jiiday Geeska Afrika.”
Marwo Edna waxay sheegtay in maalgashiga dekedda Berbera uu Somaliland u horseedi doono horumar dhaqaale iyo mid ganacsi.
Dawannews Hargeysa office