Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Ee Jarmalka oo Is Casilay

0
294

Germany(Dawan)- Guddoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee dalka Jarmalka  Xasan Faarax Xirsi (X.Mataan) ayaa iska casilay xilkii uu u hayay xisbigaas isla markaana ka dalbaday Guddoomiyaha Xisbiga in is-casilaaddiisa uu ka aqbalo xilka uu ka tegayna uu u soo magacaabo ciddii kala wareegi lahayd.

Xasan Mataan oo is-casilaaddiisa ku sheegay  inay tahay mid shaqsi ah ayaa intaa ku daray in xilka muddadii uu hayay uu ka soo shaqeeyay hawlo badan oo xisbigu leeyahay.

Waxa uu sidaasi ku  caddeeyay  qoraal uu soo saaray oo uu u kala diray Hoggaanka xisbiga WADDANI, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:  “Laga bilaabo 06.April.2017 waxaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii guddoomiyaha Laanta germany. Is-casilaadaydu waa mid shaqsi ah,oo ay kalifeen arrimo shaqsi ahi.

Waxay ahayd 26.07.2015 markii aan la wareegay masuuliyadda xilkan, anigoo hawsha laanta Germany kasoo bilaabay meel eber ah.

Waxa farxad ii ah in aan maanta soo gaadhsiiyey kaalin muuqata oo aan wareejin doono taageereyaal iyo hoggaan dhisan oo leh shuruuc iyo xeer hoosaad iyo laamo ka hawlgala gobollada dalkan Germany.

Waxaan mahad gaar ah u celinayaa masuuliyiintii iyo taageereyaashii aanu muddadaa sida fiican usoo wada shaqaynay iyo hoggaanka Xisbiga ee aanu xidhiidhka fiican lahayn intaan xilkan hayey. Mudane Guddoomiye waxaan rejaynayaa inaad iga aqbali doontid is-casilaadaydaa, unasoo magacawdo xilka cid hanan karta inshalaah.”

Xasan-mataan yaaan  is-caslilaaddisa faah faahin badan aan ka bixin laakiin waxaa lala xidhiidhinayaa in is-casilaaddiisu ay ku timi saluug uu ka arkay hoggaanka sare ee Xisbiga ee socdaalka ku maraya qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo wada shaqayn uu ka waayay waxaana la filayaa in is-casilaadiisu ay bilaw u tahay khilaaf soo kala dhex galay hoggaanka sare e WADDANI iyo masuuliyiinta u jooga Yurub.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply