Maalin ayuu nin Rasuulka Allah (scw) u yimi wuxuuna ku yidhi “ gabadha heblaayo way salaad, soon iyo sadaqad badan tahay, laakiin Jaarkeeda ayay ku dhibtaa carabkeeda”
Rasuulka Allah (scw) ayaa ku yidhi “ Naarta ayay ku jirtaa”.
Waxa kale oo uu yidhi “ Gabadha kale ee heblaayo way salaad, iyo soon yar tahay, wax yar oo gadhoodh ahna way sadaqaysataa, mana dhibto jaarkeeda. Rasuulka Allah (scw) ayaa ugu jawaabay “ waxay ku jirtaa Janada” .Halkaasi waxa ka cad in akhlaaqada wanaagsani ay tahay tan Janada lagu galo.
Dhuryanka hadalka xun ee beenta iyo xasadka ah ayaa kaa baabiinaya camalkaagii wanaagsanaa.
Akhlaaqda wanaagasan ayaa ah tan Janada lagu galo, marka aad raaciso camal wanaagsan haba yaraadee.