Hooyo la la’aa oo markii la Helay la Xidhay

0
283

Hooyo in kabadan labo todobaad la la’aa iyadoo ay la socdaan labo wiil oo ay dhashay ayaa la xidhay iyadoo looga shakisan yahay afduub.

Booliiska ayaa sheegay in Samantha Baldwin oo 40 jir ah iyo carruurteeda laga helay hotel jiif oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla meel u dhaw Ollerton oo ka tirsan Nottinghamshire.

Waayitaankii la waayay 27kii bishii Maarso ayaa horseeday in Yurub oo dhan laga baadigoobo. Iyadoo ay baadigoobkaas ka qayb qaadanayeen in kabadan boqol askari.

Booliiska Nottinghamshire ayaa sheegay in xidhitaankan uu yahay natiijadii ka dhalatay codsi dadka oo dhan loo jeediyay oo ahaa in la soo gudbiyo wixii haweenaydaas ku saabsan ee ay arkaan, ayna dadka macluumaad ka heleen.

Booliiska ayaa sheegay in ay wiilasha ka heleen meel yar oo dalxiis loo tago isla markaasna aysan jir ahaan dhaawac u qabin.

Haddana waxaa xanaanaynaya dad arrimaha carruurta xirfad u leh.

 

Booliisku waxay sheegeen in ay xogta ka heleen in aan  ahayn mulkiileyaasha meesha ay joogeen balse dadka leh huteelka ay hadda gacan siinayaan baadhitaannada la wado.

Labo dumar ah oo 62 iyo 36 sano kala jira oo la xidhay iyaga oo laga shakisan yahay ayay booliisku ku sii daayeen damiin.

 

 

 

Leave a Reply