Dawlad Fasaxday ka Ganacsiga Xashiishadda

0
282

Dalka ku yaalla koonfurta America ee Uruguay ayaa noqday dalkii ugu horeeyey caalamka ee bulshadiisa u ogolaada ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada Xashiishada.

Dawladda ayaa cadaysay in marka bisha Juun ee sannadkan, la gaadho ay shacabku xashiishadda ka iibsan karaan farmasiiyada oo ay dawladdu siinayso waraaqo fasax ah. Waxaana sidaasi shir jaraa’id maalintii Khamiistii   April 6, 2017, ka cadeeyay la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca mukhaadaraadka Mr. Juan Andres Roballo

Sanadki 2013 ayay dawladdani shacbigeeda u fasaxday inay beeran karaan xashiishadda taasi oo iyana ahayd dalkii ugu horeeyay caalamka ee sharci ka dhiga arinkaasi, waxase aan fasax ahayn in farmasiiyada si madax banana looga ibsado. Dawladda ayaa xadaynaysa qiimaha farmasigu ku iibin doona oo noqon doonta $ 1.30, halkii Garaam xashiishad ah. Waxa kale oo bulshada ka cabanaysaa iyadoo dawladdu xadaysay xadiga xashiishad uu qofku isticmaali karo bishii iyagoo aan ogolayn in la ogaado siraha hoose ee qofka caadiga ah. (Al-Arabiya.Net)

Leave a Reply