Ninka Iska Leh Facebook-ga oo Soo Bandhigay Fikir ka Yaabiyey Dadka

0
735

Ninka iska leh aalada Facebook-ga ee lagu wada xidhiidho ayaa soo bandhigay fikir cusub oo ka yaabiyey dadka, kaas oo aan hore loogu aqoon tijaarta kale ee adduunka.  Ninkan oo lagu magcaabo Mark Zuckerberg  ayaa iska soo duubay muqaal cusub oo muujinaaya isaga oo xambaarsan gabadha yar ee uu dhalay, taas oo uu la alamiitaynaayo, waxaana sawiraddan lagu soo daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qoraalkan .

Mr Zuckerberg ayaa sheegay in uu sidan u sameeyey si ay inantiisa yari u noqoto markay weynaato mid ad adag oo awood u leh inay heer gaadhi karto, sidoo kalena halkaas kasii wadi karta shaqada uu isagu hadda hayo.

Mr Zuckerberg ayaa hadda da’diisu tahy 32 sanno, waxaanu ikhtiraacay sannadkii 2004 tii bogga maanta lagu xidhiidho ee  Facebook-ga oo ah ka ay dadka ugu badani caalamka ku xidhiidhaan, isaga oo si fudud uga mid noqday tijaarta ugu waweyn caalamka maanta.

 

Leave a Reply