Muuska oo Laga Digay Cunistiisa Xiliga Subaxda Hore ee Calooshu Madhan Tahay

0
277

Khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa ka digtay cunitaanka Muusta ee subaxda hore, waxaanay sheegeen inuu khatar ku yahay caafimaadka, haddii la cuno salaada hore iyada oo calooshu madhan tahay.

Dad badan ayaa cuna salaada hore Muuska , iyaga oo aaminsan inay ka helayaan tamar iyo nafaqo, laakiin khubaradan caafimaadka ayaa si weyn uga digtay  cunitaankiisa salaada hore, iyaga oo sheegay inuu khatar ku keeni karo caafimaadka qofka.

Khubaradan oo warbixin kooban ku qortay wargeyska Health Science oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay warbixintan ayaa sheegay in Muuska ay ka buuxdo sonkor badan, taas oo haddii qofku uu cuno salaada hore, isaga oo aan waxba cunin ay keento inuu jidhkiisu soo daayo Glucose aad u badan, taasina ay waxyeelo soo gaadhsiiso jidhka qofka.

Qofka ayay sheegeen inuu u baahan yahay macdano kale oo aan ahayn Muuska ,kuwaas oo u fiican habka shaqo ee jidhka.

Muuska ayaa ah shay aad u wanaagsan, gaar ahaana ka wanaagsan khudaarta kale, iyada oo laga heli karo macdano ay kamid yihiin Magnesium ,Potassium iyo Vitamin B6, waxaanu wanaagsan yahay siday khubarada caafimaadku sheegeen marka lala isticmaalo  waxyaalaha baalka leh, lawska  iyo khudaarta kale ee iyaduna fududayn karta inuu jidhku si fudud macdanahaasi ula bixi karo.

 

Leave a Reply