Khubarada London University Oo Cadaysay Xilliyada Ugu Wanaagsan Ee Xisaabta La Dhigan Karo

0
282

Khubaro dhinaca sayniska ah oo ka tirsan jaamacadda London ayaa daraasad ay dhowaanahan wadeen oo ku aadan dhinaca xisaabaadka iyo barashadooda kazoo saaray natiijo hordhac ah, taas oo ay ku tilmaameen waqtiyo aanay haboonayn in la barto.

Khubaradan ayaa sheegay in ciyaaraha iyo jimicsigu ugu fiican yahay waqtiyadda Quraacda ka horeysa, sidaasna waxay ku sheegeen qoraal ay soo saareen oo ay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay ku qoreen.

Sidoo kale khubaradan ayaa sheegay in ay fiican tahay in maadada taariikhda ah la barto  gelinka dambe, waqtigaas oo ah siday sheegeen waqtiga hurdada maalintii laga soo toosoo oo ah waqti ay maskaxdu dib u degto .

Kooxdan Saynisyahanka ah ayaa tilmaamay in ay in muddo ah baadhayeen waqtiyadda ay maadooyinka qaarkood wanaagsan yihiin in la barto, waxaanay intaas ku dareen inay ku xidhan tahay hadba sida uu ardaygu yahay , gaar ahaan habkiisa hurdo ee uu habeenkii iyo maalintii u seexdo.

Waxaanay culimadani sheegeen in ardaydu ay derejooyinka ugu sareeya keenaan marka ay subaxdii wax bartaan, gaar ahaana xisaabta , sidoo kalena ay taariikhda ( History) ay derejooyin wanaagsan keenaan markay gelinka dambe bartaan.

Khubaradan u dhalatay Ingiriiska ayaa ugu dambayn sheegtay in dugsigii ugu dambeeyey ee ay ku sameeyaan daraasadan ama cilmibaadhistan inuu ahaa mid ku yaala Bulgaria , kaas oo ay ogaadeen in ay isku mid yihiin ardayda caalamka wax ka barataa.

Leave a Reply