Khubaro Kuuriyaan Ah Oo Soo Saaray Dawo Ay Sheegeen Inay Joojinayso Gabowga

0
327

Khubaro u dhalatay wadanka Kuuriyadda Waqooyi kana tirsan  maxadka lagu magcaabo Science and Technology Institute  oo ku yaala magaalada Daegu ayaa soo saaray dawo ay sheegeen inay joojinayso inuu qofku gaboobo.

Dheecaanada lagu magcaabo Lysosomatosis iyo unugyada lagu magcaabo Maltoconidria oo ah kuwa masuulka ka ah inuu qofku gaboobo markuu meesha ka baxo qaybo kamid ah ayay sheegeen in ay tahay in dawooyin la siiyo dadka , taas oo u ogolaanaysa inay muddo dheer sii taagnaadaan oo jidhka kusii jiraan .

Waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in la kordhinaayo Protein ka loo yaqaano ATM oo ah ka hadhowna noqda kuwo yaraada sidoo kalena meesha ka baxa ugu dambaynta, waxaanay khubaradan reer Kuuriya wadaan hadda tijaabadda  dawadaasi, waxaanay u bixiyeen KU-60019 Blocks oo ay ugu magac dareen qaybo unugyada kamid ah.

Khubaradan Kuuriyaanka ah ayaa hadda sidoo kale wadda  sidii ay u samayn lahaayeen dawo isku xidhaysa dawada ay soo saareen ee  KU-60019 iyo DNA da qofka, iyaga oo shegay in haddii ay dadku dawadan qaataan  ay muddo dheer  sii joogi karaan iyagoo bilaa gabow ah.

 

Leave a Reply