Guddoomiyaha Guurtida oo ku Eedeeyay Soomaaliya Inay Carqaladeynayaan Horumarka Somaliland

0
305

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay mooshinka ay mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen heshiiska ay Somaliland Imaaraadka Carabta ku siisay saldhigga Millatari ee magaalada Berbera, waxaanu xusay inay ujeeddadu ay  tahay uun sidii horumarka Somaliland u soo hoyday ay u carqaladeyn lahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir-jaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalaada Hargeysa,ka dib markii uu ka soo noqday booqasho gaar ah oo uu ugu maqnaa dalka dibadiisa,  waxaanu tilmaamay inaanu saldhiga Berberi ahayn mid ay Soomaaliya leedahay amase ay xukunto ee uu yahay mid ay Somaliland leedahay, sidoo kalena waxa uu baaq nabadeed u diray laba beelood ee walaalaha ah ee ay colaadu ku dhexmartay koonfurta gobolka Sool.

 

“Ninbaa barigii hore waxa uu diidan yahay odhan jiray dhalooq, dhalooq baanay ku dhajiyeen, nimanka yidhi mooshin baanu ka keenaynaa saldhiga Berbera ee reer Soomaaliya waa wax ay iska yidhaahdeen, maxay saldhigga ka qaban karaan ma iyaaga leh, Somaliland baa leh, Somaliland-na waa ay isku raacsan tahay, waxaanay innoo diidayaan ee adduunku innoo soo jeedsanayo ayay doonayaan in ay innaga hor istaagan, waar waxaasi wax la dhageysan karo maaha,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtiddu.

 

Waxa kaloo uu abaarta dalka ka jirta ku masaalay mid aan nooceeda hore loo arag, waxaannu yidhi;  “Abaarta Illaahay haynaga soo jabiyo aad baa loo jilicsan yahay, abaar dalka oo dhan saameysana maanta ka hor lama arag, Illaahow abaaraha naga soo jabi, beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna Illaahey ha soo hadeeyo, iyagana waxaanu leenahay waar colka joojiya, ninkii dhintaana labadiina qoloba waa ka dhintay oo qaranka ayuu ka dhintay, waayo colaad iyo abaari wax is galaba maaha.”

 

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaa uu hoosta ka xariiqay in sicir bararkan wadanka jira ay sabab u tahay dhoofka xoolaha ee istaagay;  “Sicir-bararkan wadanka ka dhacay waxaa u sababa xoolaha istaagey abaartana Illaahay ha innaga jabiyo, sicir-bararkuna dollarkaa yar iyo xoolahaasi yar ayuu ahaa, hadii abaartu sii socoto sicr bararkuna waa uu sii kordhayaa, markaa waxaa inala gudboon uun in reer ba reerka uu ka jilicsan yahay uu caawiyo, qabyaaladan afka raacdayna ha la iska daayo oo dadkeennii dibada joogeyba iyaga oo hadh qabow fadhiya ayay gacmaha is heystaane innagan abaarta joognaana aan gacmaha is qabsano dadka cidina uma maqna ceelna uma qodna ee aan dadkeena abaartu heyso aan u wada gurmano.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply