Guddoomiyaha UCID oo Dalka Keenay Shirkad Caalamiya oo u Socota Maalgashi

0
453

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee  UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dalka ay ku soo jihaysan yihiin shirkaddo ganacsi oo danaynaya sidii ay Somaliland u maalgashan lahaayeen.

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID  oo hoggaaminayay Wefti  ka socda shirkad ganacsi oo  laga leeyahay   dalka Maraykanka oo magacooda loo soo gaabiyo  SKA  oo  shalay ka soo dagay madaarka magaalada Berbera, ayaa waxa uu tilmaamay in dadka reer Somaliland looga baahan yahay in ay soo dhaweeyaan shirkadaha maalgashiga ku samaynaya dalka.

Weftigan ka socday wadanka marakanka ayaa waxa soo dhaweeyay  wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahin Aadan Qabo, wasiir ku xigeenka wasaarada madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi iyo masuuliyiinta gobalka Saaxil iyo degmada Berbera.

Faysal Cali Waraabe  ayaa waxa uu sheegay in shirkadan ganacsi ay u socoto sidii ay dalka maalgashi ugu samayn lahaayeen, waxaana uu soo jeediyay in loo diyaar garoobo shirkadaha maalgashi ee dalka ku soo jihaysan, waxaana uu yidhi “Weftigani waxa ay u socdaan waa sahan waxa oo ay doonayaan in ay maalgashadaan, dalkeena gaar ahaan magaalada Berbera, waxaana ay noqon doontaa Berbera Honkong, waana kombanigii u horeeyay ee dalkeena yimaada , qaar kalena waa imanayaan, waana in aynu u diyaar garownaa oo dadka inoo imanaya soo dhawaynayaa, si dalkeena maalgashi badani u yimaado, waxaana ay ku xidhan tahay sida aynu dadka u qaabilno ee wax loogu dhameeyo dhinaca sharciga.”

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Qabo,  ayaa waxa uu tilmaamay in shirkada DP World ay Somaliland u horseeday in caalamku ku soo dhiirado in ay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, waxaana uu uga mahad naqay guddoomiyaha xisbiga Ucid shirkadan ganacsi ee uu dalka keenay, waxaana uu yidhi “Intii ay maalgashiga dalkeena ku samaysay shirkadda  DP World, shirkadihii waa waynaa ee caalamka ayaa inagu soo dhiiraday, waxaana aad ugu mahad naqayaa guddoomiyaha xisbiga Ucid oo had iyo jeer u taagan in uu ka qayb qaato horumarka dalka iyo qarankan, kuna suntan taariikhda sooyaalka Somaliland, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga  Ucid  Siciid  Cumar oo si fiican uga soo shaqeeyay in weftagani dalka yimaadaan waxa aan leeyahay ku soo dhawaada Somaliland,”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID Siciid Cumar oo isaguna qayb ka haa in shirkadani dalka timaado  ayaa waxa uu sheegay in  ay dalka u timid sidii ay u maalgashan lahayd, waxaanu yidhi “Shirkadan aanu wada soconay waa shirkad aad u wayn waxaana ay ka shaqaysaa meelo badan oo caalamka ka mida, markii DP World wadanka timid ayaa shirkado badani ku soo hirteen in ay dalkeena maalgashadaan, shirkado badan ayaana soo socda, maadaama oo laynagu aaminay in dekedeena la maalgashado.”

 

Guddoomiyaha gobalka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa isaguna sheegay in ay  soo dhawaynayaan  wettigan una fududayn doonaan wixii ay uga baahdaan, waxaana uu yidhi “Waxa aanu magaalada Berbera ku soo dhawaynaynaa wefti ka socda dalka Maraykanka oo maalgashanaya dalka  oo   guddoomiyaha xisbiga UCID hoormood u yahay, aad iyo aad ayaanan u soo dhawaynaynaa  waxa ay u baahan yihiinna waanu  u fududayn doonaa.”

Weftigani waxa ay isla shalay booqdeen oo ku soo wareegeen madaarka Berbera,   dekeda caalamiga ah Berbera iyo haamaha kaydka shiidaalka   iyagoo soo indha indheeyay sida ay u shaqeeyaan. Waxaanay sheegeen inay doonayaan inay darsaan fursadaha ganacsi ee ay ka maalgashan karaan Somaliland.

Waxa kaloo masuuliyiinta ka socday Shirkadda SKA ay intaas ku dareen in muddada ay joogaan dalka ay kullamo la yeelan doonaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply