Gabadh Dhashay 38 Caruur ah!

0
381

Gabadh u dhalatay dalka Yugaandha oo lagu Magacaabo Maryama Nbatanzi  ayaa ka yaabisay dunida, kadib markii caruurta ay dhashay tiradoodu gaadhay 38 caruur. Iyadoo dhamaantood ku dhashay gurigeeda marka laga reebo kan ugu danbeeyay oo haatan 4 bilood keliya jiray oo ay Isbitaal ku umushay.

Hooydan ayaa 6 jeer dhashay mataano laba ah, halka 4 goor ay ka dhashay mataano 3, waxa kale oo 3 jeer oo kale ay dhashay mataano 4 ah. Caruurta ay dhashay ayaa ka kooban 28 wiil iyo 10 hablod, iyadoo wiilkeeda ugu weyn ay da’diisu tahay 23 sanno.

Hooyadan oo haatan 37 sanno jir ah ayaa sheegtay inuu guursaday markii ay ahayd 12 sano, nin da’diisu ahayd 40 sano sanadkii 1993.  Maan garanayn markii gurigayaga koox dad ahi yimaadeen kuwaasi oo guurkayga diyaarinayay. Sanadkii 1994 ayay dhashay mataanihii u horeeyay, laba sano ka dibna mataano 3 ah, iyado markii ku xigtayna dhashay mataano 4 oo toddob bilood ay ku dhashay.

Dr. Charles Chegondo oo ah dhakhtar aqoon sare u leh xanuunada dumarka kana hawlgala Isbitaalka Mulago ayaa sheegay in Maryama ay leedahay ugxan xad dhaaf ah taasi oo kordhinaysa fursadaha mataanaha dhalanaya , ayna tahay arrin dhif ah oo aan waxba laga qabin Karin la iskana dhaxlo.    ( source : arabic.rt.com  27/04/2017)

Leave a Reply