Noolaha kala duwan ayaa siyaabo kala duwan u nool, Maroodiga ayaa ka mid ah noolah u wada nool qoys ahaan sida Aadamiga. Maroodiga qoyskiisu wuu mid isku xidhan mana kala tagaan ilaa marka midkood dhinto mooyee.
Maroodiga ayaa aasa kuwa ka dhinta sida aadamiga, iyagoo weliba soo booqda meelaha ay ku aasaan kuwa ka dhinta. Waxa kale oo iyana la ogaaday in Mardoogu sidoo kale aaso haddii u la kulmo qof banii’adam ah oo Mayd ah ama uu isagu dilo
Xayawaanka Maroodiga ayaa marka uu mid ka dhinto u murugoodaa oo weliba baroortaa, taasi oo ay kaga duwan yihiin dhamaan xayawaanada kale kana shabaho Aadamiga.