Baarlamaanka Montenegro ayaa ansixiyay inuu dalkaasi ku biro isbahayesiga Naato, inkasta oo mucaaradad xooglihi gudaha kaga timi, islamarkaana ay Raashiya diiday.
Codeynta ayaa u dhacday 46 oggolaaday iyada oo ay tirade baarlamaanku tahay 81 xildhibaan- taasi oo waddada u sii xaadheysa inay Montenegro ku biirto Nato dabayaaqada bisha soo socota.
Waxa aqbalay arrinta ku biirista dhammaan 28 ka xubnood ee Nato, marka laga reebo laba xubnood.
Montenegro, ayaa dadkeedu gaadhayaa ilaa 633,000 oo qof, waxaana qorshaha xubinnimada Nato la qorsheeyay sannadkii 2009.
Toban sano ka hor ayay aheyd markii Montenegro iyo Serbiya ay duqeeyeen dayaaradaha Nato olole qaatay saddex bilood xilligii dagaalkii Kosofo.
Xubinnimada Nato ayaa ayaa aheyd arrin aad leyskaga soo horjeedo dalka Montenegro, oo ka sii go’ay Serbiya kadib burburkii Yugoslafiya, markii ay madaxbannaanaatay sannadkii 2006.