Wasiirka Daakhiliga oo u Digay Puntland, Kana Hadlay Booqashadiisii Ingiriiska

0
255

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Prof.  Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa digniin u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntand isla markaana ku adkeeyay madaxda maamulkaas in ay ka fogaadaan sheegashada dhulka iyo dadka reer Somaliland.

 

Wasiirku waxaa  kaloo  uu ka hadlay socdaal shaqo oo uu kaga soo noqday dalka Ingiriiska  iyo sida ay uga socoto kaadh qaadashada codbixiyeyaasha ee ka socota  gobollada Saaxil iyo Awdal.

 

“Qolada Puntland, waxaan leeyahay  waad ogtihiin  Buuhoodle in dhulka iyo dadkuba in ay Somaliland yihiin in wax aan suuragal ahayn aad hadal ka dhigataan oo aad   siyaasad ka daydaan maaha, waxaan idiinka digayaa inaad faro-galinta aad ku haysaan Somaliland deegaanadeeda iyo dadkeeda in aad ka daysaan, dhul iyo dad midna ma guuro, waxaanan idin leeyahay aynu ahaano jaar wanaagsan oo is ixtiraama wixii intaa ka badani waa dhibaato,Somaliland cidna dhibaato kuma hayso faro galinna cidna uga dul qaadan mayso,”ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo u waramay Wargeyska Dawan xalay.

 

Wasiirka oo ka hadlayay xannuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay Buuhoodle iyo sida ay xukuumaddu ugu gurmatay,waxaannu yidhi; ”Buuhoodle aad baa loogu gurmaday, xukuumadduna waxba kalamay  hadhin imikana waxaa ku sugan masuuliyiin qaran oo xukuumadda ka tirsan waana dad iyo dal reer Somaliland ah oo dawladdoodu u gurmatay.”

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha  oo ka hadlayay socdaal uu kaga soo noqday dalka Ingiriiska, wuxuu yidhi;   “Dalka Ingiriiska socdaalka aan ku tegay wuxuu ahaa socdaal aad u qiimo badan oo waxaanan halkaa ugu tegay jaalliyadii reer Somaliland  oo berigii hore ee aan Ingiriiska joogay aad u kala qaybsanayd oo midawday oo u midawday danta qaranka Somaliland isla markaana isku duuban oo berigii hore  hadday  kala qaybsanaan jireen imika midaysan oo u taagan danta Somaliland.  waxaa kale oo ay imika u taagan yihiin oo ay isu abaabuleen in ay u soo gurmadaan kullamo aan u qabtayna waan ku sii guubaabiyay waxaanan kula dardaarmay inay midnimadooda ilaashadaan,taana way ku adag yihiin xilligan.”

Ugu dambayn wasiirka  oo ka hadlayay sida ay gobollada Saaxil Awdal iyo qaybo gobolka Sanaag ka mid ah uga socoto qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland,waxaanu yidhi  “Si fiican ayay u socotaa,waxaana jira cabashooyin yaryar oo  ka imanaya dadka qaar oo ku doodanaya in xilligan deegaannada qaar ay dadku ka maqan yihiin oo aanay joogin laguna soo beegay xilli ay abaar baahsani dalka ka jirto laakiin sida kale si wanaagsan ayay u socotaa wax nabadgelyo darro ah oo ka timina ma jirto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply