Maxkamadda Hargeysa oo Markii Labaad Dhegaysatay Dacwad Loo Haysto Xubno ka Tirsan Waddani

0
270

Hargeysa (Dawan)- Maxkamadda   Gobolka Hargaysa,  ayaa shalay markii labaad  dhegaysatay kiiska dacwada loo haysto xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,  oo kala ah guddoomiyihii garabka dhallinyarada ee xisbigaasi Maxamed Sidiiq Dhamme iyo  Xoghayaha  ciyaaraha ee xisbigaas  Yoonis Axmed Yoonis. Kiiskan, waxa ka garnaqaya Garsoore la yidhaahdo Idiris Maxamed Muxumed oo ka mid ah xukaamta maxkamadda Maroodi-jeex.

 

Fadhigan   maxkamadda    gobalka  Hargaysa wuxuu ahaa  mid furan, waxaanay maxkamaddu dhegaysatay maragyada kiiskan iyo xeer ilaalinta oo dacawada ku soo oogtay dacwaysaneyaasha  iyo  difaaca qareennada u doodaya  eedaysanayaashan, waxaa maxkamadu wax ka waydiisay  Guddoomiyaha  degmada 26 Juun iyo agaasimaha hay’adda dabdamiska,  waddo banayn ay dawladda hoose ee  Hargaysa  samaysay dhawaan oo xubnahan lagu eedeeyay inay ishortageen hawlgalkii dawladda hoose.

 

Guddoomiyeha degamada 26-ka June ee magaalada Hargeysa ayaa maxkamadda horteeda ka caddeeyay in hay’adda dabdamisku ay ka dalbatay dawladda hoose ee Hargeysa in la baneeyo waddada Xarunta hay’adda dabdamiska kaga beegan xaga bari,  waxaanu xusay in ay dumiyeen  dayrar waddada soo galay.

 

Sidoo kale waxa maxkamaddu  dhagaysatay dambi baadhihii kiiskan  gacanta ku hayay oo ka socday ciidammada Booliska oo xusay  in lagu soo  eedeeyay  dacwaysanaashan in  ay ku kaceen falal kicin ah iyo been abuur ay ka sameeyaan ciidammada  booliska, oo mid ka mid ah eedaysanayaashu bartiisa facebook ku faafiyay in ciidanka ammaanku  ay ku milmeen siyaasadda, isla markaana la ay safteen xisbiga  Kulmiye. Waxa kaloo dambi baadhuhu    sheegay in guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Waddani uu qirtay in facebookgiisa uu ku faafiyay sawir lagu sheegayo in ciidammada  ku milmeen xisbiga Kulmiye.

 

Dambi baadhaha oo la waydiiyay inay jirtay  cid ku soo farogalisay  kiiskan, waxa u ku dooday  ayaa    in aanay jirin cid ku soo faro galisay kiiskan.

Waxa kaloo  maragyadii  kiiskani fadhigaas ka sheegeen in  labadadan masuul ee ka  tirsan xisbiga Waddani ay aflagaadeeyeen ciidammada booliska  oo ay ku tilmaameen in ay yihiin gacmihii dulmiga  oo ciddi ku adeeganayso. Hase yeeshee qareennada u doodaya eedaysaneyaashan ayaa su’aalo kala duwan weydiiyay dambi-baadhaha iyo maragyadii xeer ilaalintu keentay.

 

Dhagaysiga dacwadan   ayaa waxa ka qaybgalay afar qareen oo u doodaya eedaysaneyaasha, xeer ilaalinta gobolka Maroodi-jeex, Murrashaxa madaxweynaha ee  Waddani, Cabdraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan, (Cirro), Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbigaas  Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, siyaasiyiin mucaarid ah iyo dadweyne kaleba.

Maxkamadu waxay u muddaysan inay dhegaysato fadhigii saddexaad ee dacwadan Axadda fooda innagu soo haysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply