Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhka Raashinka oo 290 Qoys u Qaybiyay Raashin

0
269

Qoolcaday (Dawan) – Maareeyaha Xidhiidhka Raashinka Jamhuuriyadda  Somaliland iyo WFP, Siciid Xasan Cabdilaahi oo hoggaaminayay wefti ka socda Dalka Denmark ayaa shalay raashin u qaybiyey 290 Qoys oo u soo hayaamay deegaanka Qoolcaday oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex.

 

Maareeye Siciid Xasan, ayaa sheegay in Qoysaskan ay raashinka u qaybiyeen ay soo barakicisay Abaarta ba’an ee dalka ku dhufatay, waxaanu tilmaamay in Weftigan ka socda dawladda Denmark ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen heerka xaalada Abaaruhu ay marayso iyo in sidii loogu talogalay loo maamulay iyo in kale qaadhaankii ay soo dhiibeen.

 

Mr Siciid Xasan Cabdilaahi, Maareeyaha xidhiidhka Raashinka Somaliland oo warbaahinta la hadlay markii ay raashinkaasi u qaybiyeen Qoysaskaasi ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Dhibtu Aad ayay u badan tahay, dadka halkan maanta kaadhka ka qaadanayaa waa ilaa laba boqol iyo sagaashan qoys (290 qoys), ilaa laba boqol oo qof oo kalena waxay halkan u taagan yihiin in la diiwaangaliyo imika.

Sallaxley iyo Baligubadle-ba waanu ognahay hawsha taalaa inta ay leegtahay, guud ahaan dalka abaartu way ka jirtaa barri iyo galbeedba wixii aanu qaban karanyno ayaanu qabanaynaa insha allaahu tacaalaa inaynu dadkeena u shaqayno oo gacmaha aynu is qabsano oo aynu illaahay barino weeyaan.

Runtii hawshan WFP ee aanu wadnaa ee aanu hormoodka ka nahay abaaraha oo kaliya maaha, Iskuulada ayay wax siisaa, Xanaanooyinka Hooyada iyo Dhalaanka (MCH-yada) ayay wax siisaa, ilaa 480 MCH oo xaruntii kastaba shan kun oo qof oo caruur ahi ay munaafacaadsadaan ayaa runtii jira, dedaalkana waanu libin laabaynaa. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo nagu daba jooga hawshan.

Xaruntan waxa soo booqday oo nala socda wefti culus oo ka socda dalka Denmark oo ka mid ah dalalka Qaadhaan bixiyeyaasha ah, iyagoo aanu tusaynay wixii ay soo dhiibeen halka ay mareen, wax kasta oo la qabanayaana hadaanay xisaab celin lahayn ma hagaagayaan, runtiina way ku qanceen baahida ku jirtana way arkeen, laba ilaa saddex goobood oo kalena waanu soo tusnay, waxaan runtii u mahadnaqayaa Maayarka Salaxlay iyo Maayarka Baligubadleba sida wanaagsan ee dadnimadu ku jirto ee ay dadkooda iskaga xilsaareen.”

 

“Waxa jira degmooyinka kale sida degmada saraar oo kale oo masuuliyiinta joogtaa aanay iskaga xilsaarin, waxaanan fursadan uga faa’iidaysanayaa oo aan leeyahay waar dadka ha loo tudho oo dadka aanu hadh iyo habeenba leenahay dadka ha la soo caawiyo way bakhtiyayaane hadii aad tidhaahdaan hadhuudhkii ma cunayno ama dameero ayaa nagaga bakhtiyey, waa wax aad u fool xun, hadii aad ka cabanayso raashinku nooca uu yahay nidaam kale oo wax loo badalo, wadahadal kale iyo si kale ayaa loo hadlaa, balse hadii aad leedahay dameeraanu siinay anaguna aanu leenahay dadkii ayaa bakhtiyaya isma qabanayaan.

Dadka Tuulooyinkuna way nala soo hadleen oo way u baahan yihiin raashinka waananu u bilaabaynaa insha alaahu tacaalaa. Mashruucana waxa uu soconayaa lix bilood hadii aanu ka sii badin karnona waanu ka sii badinaynaa.

Waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa NGO-ga ABD oo Maxamed Daahir uu inagala joogo oo isaguna runti si mug leh uga qaybqaatay diiwaangalinta,” ayuu yidhi Maareeye Siciid.

 

Dhinaca kalena waxa isagu halkaasi ka hadlay Maayarka Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusufl Xuseen (Shiine) waxaanu yidhi “Maareeyaha hay’adda Raashinka Somaliland aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, Runtiina intii abaaruhu dadkeena ay ku habsadeen waxaan odhan karaa Mashruucan WFP ee uu Maareeyuhu wado waa mashuura kaliya ee qofkii baahnaa toos u gaadhay, guddida abaaruhu dedaal ayay wadaa, hay’addo kale oo dedaalayaana way jiraan.” Ayuu yidhi Maayarka degmada Sallaxley.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka degmada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac oo isaguna hay’adda WFP iyo Xafiiska xidhiidhka Raashinka Somaliland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ah ee ay dadkan abaartu saamaysay ay soo gaadhsiiyeen Raashinka, waxaanu tilmaamay oo uu ka codsaday Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland in la sii wado oo wixii suuragal ah oo dadka loo gargaaro.

Maaha Markii u horaysay ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland uu mucaawinooyin noocan oo kale ah uu u qaybiyo bulshada ku tabaaloobay Abaarka dalka ku dhufatay ee u soo hayaamay gobolada Galbeedka, waxaanay hay’addu dhawaan raashin u qaybisay in ka badan 30 tuulo oo ka tirsan gobolada Hargeysa iyo Hawd.

Mucaawinooyinkaa Raashinka ah ee la qaybiyeyna ay aad ugu diirsadeen soona dhaweeyeen dadkii la gaadhsiiyey, isla markaana qorshuhu uu yahay in loo sii wado mudo lix bilood ah hadii xaalada Abaaruhu ka soo rayso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply