Madaxweyne Ku-Xigeenka oo Kormeeray Cusbitaalka Boorame, Amaanna u Jeediyay Bahda Caafimaadka

0
268

Boorame (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland, Md. C/raxmaan  C/laahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa  oo booqasho  shaqo ku jooga magaaladda Boorame ayaa shalay kormeer indho-indhayn ah ku soo maray cusbitalka guud ee magaaladaasi, iyadoo ay  ku jiraan 23 qof oo ka mid ah dadka uu soo ritay xannuunka shuban-biyoodka.

Waxaanu  madaxweyne ku xigeenku  masuuliyinta cusbitaalka ku wareejiyay  20 neef oo Adhi ah, kuwaasi oo ugu deeqay    maayarka Boorame Maxamed Xuseen Maydhane, in loo qallo bukaanadda cusbitaalka jiifa.

 

Sida ay madaxweyne ku xigeenka u sheegeen msuuliyiinta cusbitaala   Boorame waxaa haatan xanuunka shubanka u jiifa 23 qof oo uu xanuunkaasi soo ritay, inkastoo ay tiradu intaas ka badnayd  marka la bar-bardhigo  maalmihii hore.

Waxaana   jirta in hoos u dhac uu ku yimid tiradda dadka uu xanuunkaasi soo ridanayo  kadib markii ay  bahda caafimaadka gobolka Awdal  iyo dawladda hoose ee Boorame   si weyn isaga kaashadeen   xakamaynta xanuunka shubanka.

Madaxweyne ku xigeenka oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii uu ku soo arkay cusbitaalka kadib markii uu soo dhamaystay kormeerkiisa  ayaa uga mahd naqay masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Awdal iyo kuwa cusbitaalka Boorame sida wanaagsan ee ay uga hawl-galeen xakamaynta shuban-biyood iyo daawaynta dadka uu soo ritay.

Waxaanu yidhi “Iyadoo guud ahaan  meelo dalka ka mid ah uu ka jiro xanuunka shuban-biyoodka,  aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa bahda caafimaadka Boorame,  isu-duwaha  iyo masuuliyiinta cusbitaalka Boorame, sida wanaagsan ee ay uga hawl-galeen in aanu faafin xanuunka shuban-biyoodka.

Waanay muuqataa sida aad warbixinta ku sheegteen in ay sii yaraanayso tiradda dadka uu soo ridanayay  shuban-biyoodka, ama inta maanta (shalay) ku jirta marka la bar-bardhigo maalmihii hore. Waana waajib ina saaran maadaama oo ay dhib timid in aad habeen iyo maalinba dadkiina heegan u noqotaan sidii aad u daryeeli lahaydeen”.

 

Geesta kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan kala qayb qaadan doonaan  daawaynta dadka uu soo ritay shuban-biyoodka, isagoona   uga mahad celiyay maayarka Boorame deeqda xoolaha nool ah ee uu ugu deeqay bukaanka ku jira cusbitaalka.

“Waxaan uga mahad naqayaa guddoomiyaha degmadda Boorame oo cusbitaalka ugu deeqay   20 neef oo Adhi ah, si loogu qallo dadka bukaanka ah ee cusbitaalka jiifa. Wixii kale ee taakulayn ah iyo wixii  aan qaban karno, waanu idinla qaban doonaa insha ALLAAH” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 

madaxweyne ku  xigeenka waxaa ku wehelinaya  safarka uu ku joogo Boorame  wasiirka waxbarashadda C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi-dheere), wasiir ku xigeenka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, iyadoo u jeedadda safarkooduna uu la xidhiidho  xog ogaal u  noqoshadda qaadashadda kaadhka codbixinta oo Sabtidii todobaadkii hore ka bilaabantay gobolka Awdal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply