Wuxuu ahaa hantiile weyn oo ay adag tahay in la maleeyo inuu noqon doono sabool gidaarada seexda. Wakhtigan waa nin miskiin ah oo seexda dariiqyada Newyork isagoon mararka qaarkood haysan xataa barkimo.
William Preston wuxuu ahaa qoraa iyo ganacsade Maraykan ah wuxuuna sanadadii sideetanaadkii ahaa dadka hantida leh ee caanka ah. Waxaanu ahaa qoraaga filimkii The wolf of wall street. Wuxuu jeclaa inuu saamiyo ku yeesho baananka iyo shirkadaha.
Wargeyska Newyork Post ayaa soo bandhigay ninkan oo noqday nin faqiir ah oo jiifa dariiqyada magaalada isagoo barkan shandadii ay ugu jireen alaabadiisu. Waxaana la sheegay inuu ahaa nin aad u isticmaala mukhaadaraadka, taasi oo sabab u ah inuu isu rogo nin faqiir oo baahan oo aan xataa guri uu u hoydo lahayn kadib markii maskaxcdiisu ka bixi weyday waali joogto ah.
(source : daily Mail)