Abuu Hurayrah “RC” wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Muslimiinta waxaa u iimaan sareeya kan ugu dabeecad wanaagsan, waxaana idiinku wanaagsan kuwiina dumarkooda u dabeecad wanaagsan”. Waxa weriyay Tarmadi ( waana xadiis saxiixa).
Ibnu Cabaas (RC), wuxuu yidhi: “Nin ayaa u yimid Rasuulka (scw), oo yidhi: “Rasuul Alloow waxaan ahay Weliga ama Mas’uulka Gabadh Agoon ah, laba nin ayaa soo doonay oo raba inay guursadan, midkood waa Maalqabeen, midna waa Miskiin gacan madhan, markaa waxaan doonaynaa in aan siino kan maalqabeenka ah, laakiinse iyadu waxay doonaysaa ninka saboolka ah. Nabiga (scw) wuxuu ku yidhi ninkii: “Guurku wuxuu munaasib u yahay dadka is jecel ee is raba”. (waxaa weriyey Ibnu Maajah).