Bukhaari oo u Tartamaya Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada

0
356

Hargaysa (Dawan)-  Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa shaaciyay in uu u taagan yahay jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalkaasi, marka uu guddoomiye Cirro banneeyo xilka  guddoomiyaha golahaas.

Mr. Bukhaari oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu ka codsaday    xildhibaannada  Baarlamaanka in ay ku garab istaagaan si  uu u qabto xilka   guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, waxaana uu hoosta ka xariiqay haddii  uu ku guulaysto xilka shirguddoonka golaha  in uu si   wadaniyeed u gudan doono xilkaas.

“Maanta (shalay) waxaan caddaynayaa in aan u sharraxanahay una taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, haddii isbeddel ku yimaad shir-guddoonka Golaha, marka uu banneeyo guddoomiye Cirro sida isaguba uu  tibaaxay, markii  aan isku geegeeyay xisaabaha faro badan oo caqliga waafaqsan in aan kursigaa isku taago ayaan goostay, waxaana aan rumaysanahay in aan tageere ka heli doono xildhibaanada aanu saaxiibka nahay, waxaana aan ka codsanayaa xildhibaannada golaha in ay isku kay garab taagaan oo ay igu taageeraan,  dadka reer Somaliland waa in ay igu taageeran, xildhibaannada xisbiga Kulmiye ee golaha wakiiladu waa in ay igu taageeraan  iyo madaxda  xisbiga Kulmiye ,aniga oo rumaysan in aan xilkaa u gudan doono si wadaniyeed,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Xogta aan helayaa waxay sheegaysaa doorashadii madaxtooyada oo kaabiga saaran guddoomiyaha golaha wakiillada waxa laga yaabaa in uu banneeyo kursigaa oo isku taago in uu doorashada madaxtooyada galo, oo uu u tartamo madaxweynenimada Somaliland, kursiga guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayuu u dhaxeeyaa waana la wada leeyahay,  mana rumaysni in la yidhaahdo kursigu wuu maqnaa  iyo anagaa leh, baarlamaanka ayaana awood u leh cida ay u arkaan in uu hogaaminayo  golaha wakiilada, laakiin dareenka hada yaalaa  iyo sida wax u soconayaan  waxa aad moodaa in Sool iyo Sanaag bari guddoomiyaha  lagu maamuusayo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply