Muhaajiriin laga Cabsi Qabo inay ku Dhinteen Xeebaha Liibiya

0
353

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ilaa iyo 250 qof ay dhinteen ka dib markii ugu yaraan laba doomood oo waday muhajiriin ay ku dageen meel u dhaw xeebaha Liibiya.

163 ka mid ah dadkaasi ayaa la waayay ka dib markii doon ay saarnaayeen ay ku dagtay xeebaha Liibiya Axaddii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Dooni kale ayaa dagtay Jimcihii, waxaana la aaminsan yahay in 50 qof la soo badbaadiyay oo la geeyay Sicily. 82 qof oo kale oo saarnaa doonidaasi ayaa wali la la’yahay.

Hay’adda Socdaalka Aadduunka ee IOM ayaa sheegtay in in ka yar laba boqol oo kun oo muhaajiriin ah ay u tallaabeen Yurub tan iyo billowgii sanadkan.

Tiradaasi ayaa aad uga yar tii sanadkii hore xilligan oo kale gaadhay Yurub.

Seddax maalmood ka hor, ilaalada xeebaha Taliyaaniga ayaa sheegay in ilaa iyo lix kun oo muhaajiriin ah ay badbaadiyeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

seddax bilood ka hor, ayaa hay’adaha xuquuqda aadanaha waxay dhaliil u soo jeediyeen heshiiskii uu Midowga Yurub la saxiixday Liibiya ee lagu dhimayay qulqulka muhaajiriinta.

Heshiiskaasi ayaa lagu siiyay dowladda Liibiya ee ay taageerto Qaramada Midoobay lacag dhan $215 milyan oo doolar oo qeyb ahaan lagu maalgelinayay xoojinta awoodda ciidammada ilaalada xeebaha ee Liibiya.

 

Leave a Reply