Gabadh Dooratay in ay la sii Joogto Kooxdii Afduubatay

0
312

Mid ka mid ah hablihii reer Neyjeeriya ee ay afduubeen fallaagada Boko Haram ayaa dooratay in ay iskala sii joogto ninkeeda, halkii laga sii deyn lahaa, sidaasna waxa sheegay afhayeen u hadlay madaxweynaha Neyjeeriya.

Gabadhan ayaa qeyb ka aheyd koox la heystayaal ah oo xorriyadooda loo sii daayay sabtidii.

Garba Shehu  ayaa u sheegay telefishanada maxaliga ah in la filayay in xorriyadoodii loo soo celiyo 83 hablo ah balse ay mid ka mid aheyd oo aan la sheegin magaceedu  tidhi,: ‘Maya , waxa aan ku faraxsanay halka aan joogo. Waxa aan helay nin. ”

Waxa 82-ka  kale sii deyntoodu qeyb ka aheyd wadahadallo ay dhexdhexaadisay heyadda laanqeyrta cas ee caalamiga ah.

Dowladda ayaa aqbashay in ay hablahaa beddelkooda sii deyso tiro aan la shaacin oo maxaabiis Boko haram ah.

Maleeshiyada Boko haram ayaa la filayaa in ay weli heystaan in ka badan 100 hablood oo ka mid ahaa 276 hablo ciyaala iskuul ahaa oo ay ka afduubteen magaalada Chibok ee dhacda waqooyi bari Neyjeeriya.

M

Waxa la rumeysan yahay in  hablaha qaarkood markii la afduubay kadib  ay  guursadeen dagaalyahannadu oo ay wataan carruur.

 

Leave a Reply