Eng. Faysal oo Sharaxay Nooca Dawladda uu Dhisi Doono Hadduu Noqdo Madaxweyne

0
396

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo bandhigey qodobbo ka mid ah barnaamijkiisa siyaaseed ee mustaqbal haddii uu ku guuleysto jagada madaxweynenimada   dalka oo uu markii saddexaad u tartamayo, waxaanu sheegay in uu dhisi doono dawlad aan mucaarid lahayn, kana kooban saddexda xisbi qaranba.

 

 

Eng. Faysal,  waxa uu sheegay in haddii uu ku guulaysto hogaanka madaxtinimada dalka uu bilaash ka dhigi doono waxbarashada, isla markaana uu dhaqaalaha waddanka horumar dhinacyo badan ah ka samayn doono. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda dhanka isbeddelka maceeshada ee xiligan uu waddanku ku sugan yahay.

 

Guddoomiyuhu, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu la yeeshay dhallinyarada iyo aqoon-yahanka gobolka Togdheer, waxaanu yidhi; “Waxaynu samayn doonaa dawlad loo wada dhan yahay Inshaa Allaah, annagu mucaarid danbe yeelan-mayno waxaananu doonaynaa inaanu saddexda xisbi ka samayno  dawlad midnimo qaran ah, waxaanaynu u midoobaynaa inaynu Ictiraafkeenna helno oo dadkeenna middayno, inaynu dalkeenna horumar gaadhsiino iyo inaynu waxbarashada bilaash ka dhigno.”

 

Waxa kaloo  uu xusay inay ay horumarin doonaan qorshayaasha dhaqaale ee wadanka; “Waxaynu doonaynaa in dhaqaalaheenna aynu kordhino, marka laga tago dhanka xoolaha oo beeyada aynu diro, cadarka ugu udgoon adduunka waxa laga sameeyaa Beeyada, kalluunkeenna aynu la soo baxno, beeraheenna inaynu qodano Insha Allah, Oodweyne waa meesha wabigu ku soo fataho, Gabiley iyo Booramana waa la mid, sharci dhinaca dhulka ah ayaanu soo saaraynaa, nin maayar ah oo intuu meel xar-xariiqo ummada dhulkeeda iibsadana waanu joojinaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply