Hal Dollar Ayaa Arooskiisa ku Baxday!

0
359

Lammaane u dhashay dalka Kiiniya oo awoodi waayay inay aroos weyn samaystaan ayaa ku aqal galay lacag ay haysteen oo dhamayd $ 1 dollar  oo keliya.  Lamaanaha Wilson iyo xaaskiisa Anna Muture ayaa arooskooda laba goor dib u dhigay sanadkii 2016-kii  si ay u helaan kharashkii arooska oo gaadhayay  $ 300.

Sanadkan 2017-ka  ayay goosteen inay iskaga aqal galaan wixii  lacag ay haystaan oo dhamayd  $ 1 dollar,  taasi oo ay ku iibsadeen kaatunkii ay isu xidhi lahaayeen.

Waxaanay   sheegeen in Guurku   aanu ku xidhnayn lacag,  laakiin uu yahay farxad adigu aad abuurayso.

Wilson oo ah wiil 27 sano jiray iyo gabadhiisa Ann oo iyana 24 sano jirtay  ayaa soo xidhay dharkoodii caadiga ahaa  iyadoo   aanay samayn wax ka badan kaatuunkii ay isu xidheen, sidoo kale-na xafladda aanay dad badani  ka soo qayb gelin.

Laakiin Markii laga sii daayay telefishinka   ayay dad badani aad u soo caawiyeen iyagoo ku hambalyeeyay dhiiranaanta ay la yimaadeen lamaanahani iyo guriga ay geesnimada ku abuureen.

Wilson ayaa warbaahinta u sheegay inay dad badan oo walalkii oo  ka weyni ku jiray arrinka la yaabeen laakiin isaga iyo xaaskiisu ay sidaasi go’aansadeen.

Wilson wuxuu  ka ganacsadaa khudaarta.  (en.neonetwork.pk)

 

Leave a Reply