Maxay Isu Shabahi Waayeen Codka Iyo Faraha Aadmigu?

0
388

Waxaa  yaab noqotoy markii la ogaaday in faraha dadku aanay ahayn kuwo isku e’eg.  Arrintan ayaa noqotay ta keliya ee lagu kala saaro dadka maanta markii cilmi ahaan loo ogaaday arrinkaasi.

Waxa kale oo iyana cilmi baadheyaashu cadeeyeen in faruhu  xidhiidh toos ah la leeyihiin dareenka guud ee qofka aadamiga ah.

Ma aha muhiimadda faruhu in dadka oo keliya lagu kala saaro laakiin arrimaha muhiimka ee ay jidhka u leeyihiin waxaa  kale oo ka mid ah inay qayb weyn ka yihiin ilaalinta maqaarka qofka.

Arrinkan xidhiidh la leh kala saaridda faraha dadka oo ah maqaarka sare, in la ogaado in aanay jirin laba qof oo farahoodu isku mid yihiin xataa mataanaha  isku ugaxan keliya ka wada abuurma ee isku eekaanshuhu weyn yahay.

Ilaa hadda si fiican umay fahmin cilmi baadheyaashu mucjisdan waxa se ay sheegeen inay tahay mid iyana la mid ah codka dadka oo isna ah mid aan is shabahin 100%  xataa mataanaha.

Leave a Reply