Madaxweynaha Somaliland oo Kala Shiray Wefti ka Socday UNICEF Kaalintooda Gurmadka Abaaraha

0
342

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey ku xigeenka madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay kulankaasi ku wehelinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Saxardiid Caddaani. Madaxweynaha ayaa madaxda hay’adda UNICEF kala hadlay xaalada abaaraha dalka ka jirta iyo gurmadka samata-bixinta ee ay waddo Xukuumadda Somaliland.

Kulankaasi ayaa markii uu dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo faahfaahiyey arrimaha ay Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda UNICEF ka wada hadleen waxaanu yidhi “ Saaka waxa halkan inala jooga oo inoogu yimid wefti balaadhan oo heer-sare ah oo ka socda hay’adda UNICEF ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. Weftigan waxa hoggaaminaya ku xigeenka madaxa hay’adda UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya Cumar Cabdi, ujeeddada ay inoogu yimaadeen waxa weeye inay u kuur-galaan oo xog-ogaal u noqdaan xaalada abaaraha ka taagan wadanka, saaka waxay la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , waxaanu ka wadahadalnay sidii layskaga kaashan lahaa sidii dadkaa waxa loogu qaban lahaa.”

Dr. Sacad ayaa amaanay hawlaha ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qabato Hay’adda waxaanu yidhi “Hay’adda waa hay’ad  muddo badan Somaliland ka shaqaynaysay, shaqo aad iyo aad u wanaagsana ka qabata dhinacyo faro badan, dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha intaba, waxaanu isla garanay in la sii xoojiyo wada shaqayntaa Insha Allaahu, waliba si dhakhso ah looga hawl gallo sidii loogu gargaari lahaa dadkaa ku tabaaloobay abaaraha.”

Cumar  Cabdi ku xigeenka madaxa hay’adda UNICEF oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “ Sharaf weyn ayey noo ahayd anniga iyo weftigayga ka socda New York, London, Nairobi iyo halkan Hargeysa, aad baanu ugu faraxsanahay in aanu fursad u hellno in aanu la kulano Madaxweynaha, iyo xubnaha golaha wasiirada oo aanu kala hadalno wada shaqaynta aanu lahayn dawladda Somaliland muddo dheer. Waxaanu sidoo kale fursad u helnay shalay in aanu booqano Caynaba, oo aanu aragno qaar ka mida dadka ay abaaruhu samaayeen. Waxaanu taageeraynaa iyadoo dawladduna ay nagu hogaaminayso dhinacyada caafimaadka, waxbarashada,  hawlaha nafaqaynta (Nutrition) iyo sidoo kale in biyo nadiif ah loo helo dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

ku xigeenka madaxa hay’addaUNICEF ayaa sidoo kalena amaanay dadaalka Dawladda Somaliland ee horumarinta adeegyada bulshada, waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sida loo soo celin lahaa qaab nololeedka dadkaasi si ay bulshadoodii dib ugu noqdaan, dibna u degaan mustaqbalka. Waxa kale oo aanu fursad u helnay in laga hadlo qorshaha fog ee aanu leenahay, kaas oo aanu joogtaynayno dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, daryeelka caruurta, biyo nadiif ah iyo hawlaha nafaqaynta (Nutrition), waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu la wada shaqayno dawlad ay ka go’an tahay horumarinta bulshada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply