110 Bukaan Jiif ah oo Shalay la Dhigay Xannaanada Bali-dhiig

0
369

Balidhiig (Dawan)- Degmada  Bali-dhiig ee gobolka Togdheer,  ayaa wajahaysa xanuunnada shuban biyoodka iyo Jadeecada, waxaa shalay Xanaanada  degamadaasi la soo gaadhsiiyey boqol iyo toban qof oo bukaan jiif ah.

 

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee degmadda Balidhiig, Khaliif Suudi  oo la hadlay warbaahinta ayaa qiray in hal maalin gudaheed ay xanaanada degmadaasi  diwaan gelisay bukaan badan  oo ay soo riteen xanuunada shuban biyoodka iyo jadeecadda, waxaannu  yidhi;  “Waxaa bilaabmay shuban biyood iyo Jadeeco ilaa maanta (shalay) dadka rugta daryeelka caafimaad soo gaadhay waxa weeye boqol iyo toban qof, shan iyo labaatan ka mid ahi waa xanuunka Jadeecada, shan iyo todobaatanka kalena waa shuban biyood.”

 

Wakiilka Waasaradda Caafimaadka ee degmada  Balidhiig, ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay in ay xoojiyaan oo ilaaliyaan nadaafada, waxaanu yidhi “Dadweynaha waxaan ugu baaqaynaa in ay nafaada ilaaliyaan, madaama oo uu shuban biyood jiro  oo ay sameeyaan nadaafad dheerad ah.”

Guddoomiyaha Degmada Balidhiig Aadan Saalax Aw-diiriye, ayaa xukumadda ugu baaqay in degmada loo dhiso Cusbitaal, maadaama xannaanadu aanay awood u lahayn bukaanka ay asiibeen xannuunada Shuban biyoodka  iyo jadeecadu, waxaanu yidhi  “Waxaa loo baahan yahay in cusbitaalkii weynaa loo sameeyo umadda intaa leeg ee  tiro koobka ah ee heer qaran iyo heer gobolba arkayaan waxaan codsanayaa in laga sameeyo cusbitaal, madaama ay dad badan u soo dhacayaan xanuunka “

Dhinaca kale ururka horumarinta degmada Balidhiig ayaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku dhalillay in ay ka gaabisay gurmadka caafimaad ee degmada waxaanay Wasiirka ugu baaqeen in uu il Naxariiseed ku  soo eego degmada Balidhiig.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply