Obama oo Trump uga Digay Michael Flynn

0
325

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayagaa uga digay ninka xilka kala wareegay ee Donald Trump, in uu Michael Flynn ka dhigto lataliyihiisa ammaanka qaranka, sida uu xaqiijiyay Aqalka Cad.

Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii Obama ayaa sheegay in madaxweynaha hore uu digniintan Trump u jeediyay wax ka yar 48 saac markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinnimada ee dhacday bishii November 2016.

Mr Flynn ayaa bishii February laga qaaday xilka lataliyaha ammaanka qaranka oo uu Trump u ahaa, ka dib markii lagu helay in uu ka been sheegay xidhiidh uu ula sameeyay safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka.

Xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in “ay dhab tahay in madaxweyne Obama uu muujiyay sida aanu u taageersanayn jeneraal Flynn,” balse waxa uu intaa ku daray in taasi aanay la yaab lahayn maadaama uu jeneraalka u soo shaqeeyay Obama, markii dambana uu dhaliilay sida uu madaxweynahaasi u wajahayo khatarta ku soo foolka leh Maraykanka.

Maamulka Obama ayaa sanadkii 2014 xilka ka qaaday Mr Flynn, oo ahaa madaxa laanta sirdoonka gaashaandhigga, isagoo lagu eedeeyay maamul xumo iyo xanaaq badan.

Obama ayaa la sheegay in uu rumaysnaa in Mr Flynn aanu u qalmin xil sare.

 

Leave a Reply