Wasiir Beeniyay in uu Waayay Kaadhkiisii Codbixinta

0
310

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha  Jamhuuriyadda  Somaliland,  Cali Xaamud Jibriil,  ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay warar ay ka qoreen qaar ka mida warbaahinta oo ay ku sheegayeen in masuuliyiinta xukuumadda iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobalka Awdal ay waayeen   kaadhka diwaangalinta codbixiyayaasha. kadib markii ay dhawr jeer is diwaangaliyeen.

Wasiirka  oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in uu sharciga la tiigsan doono jaraa’idada ka qoray warkaas oo uu ku tilmaamay in yihiin qaar  qaran dumisa  oo     caadaystay wararka  been abuurka ah, waxaana uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin  in uu labo jeer is diwaangaliyay, waxaana uu halkaas ku soo bandhigay kaadhkiisii diwaangalinta  codbixiyayaasha, waxaanu yidhi;  “Wax ka jiraa ma jiraan, warkaas ay soo qoreen labada jaraa’id ee  kala ah  Somaliland Today iyo Waaheen, been aan sal iyo raadtoona lahayn ayay iga qoreen, kuwaas oo caadaystay in ay dadka iyo dalka been ka qoraan, waxaana aan caddaynayaa in kaadhkaygii kaa yahay, sharciga ayaanan la tiigsanayaa jaraa’idkaa qaran dumiska ah ee caadaystay inay  been ka sheegaan madaxda,  qof ayaanay shakhsiyadiisii  ku gafeen,  maxkamada ayaan gaynayaa, qareen ayaanan qabsanayaa.”

Cali Xaamud waxa kaloo  wax laga waydiiyay muran dhawaan soo kala dhex galay komishanka doorashooyinka iyo masuuliyiinta xukuumadda ee gobolka Awdal oo ku wajahnaa  qaybinta kaadhka diwaangalinta codbixiyayaasha, waxaanu  yidhi, “Horta meel ay shaqo taalo dhaliili way imanaysaa, waana la wada hadlay, haddaanu masuuliyiin nahayna  annaga iyo komishanka doorashooyinka ayaanay naga dhaxaysay, arrintaa qaadashada kaadhka diwaangalinta codbixiyayaashana waanu ka wada hadalnay komishanka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply