Madaxweynaha Somaliland oo Berbera Kaga Qaybgalaya Xaflad DP World Kula Wareegayso Marsada Berbera

0
277

Berbera(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Khamiista maanta magaalada Berbera, kaga qaybgalaya xaflad aad u ballaadhan oo ay si rasmi ah maamulka dekadda kula wareegayso shirkadda caalamiga ah ee DP World oo maalgashanaysa marsadda Berbera oo ay xukuumadda kula gashay heshiis socon doona soddon sanno oo ay ku baxayso dhaqaale gaadhaya $442 Milyan.

Waxa kaloo xafladaasi ka soo qaybgalaya masuuliyiinta sarsare ee shirka DP World iyo madax ka socota dalka Imaaraadka carabta, kuwaasi oo maanta gelinka hore soo degaya madaarka caalamiga ah ee Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu jabiyey deyrkii Somaliland kaga gudbannaa inay ka faa’iidaysato maalqabeenada dunida carabta. Waxaanu ku guulaystay inuu laba heshiis oo waaweyn la galo dawladda imaaraadka carabta (UAE), waxaanay heshiisyada casriyeynta marsada Berbera iyo saldhigga millatari ee laga siiyay madaarka Berbera, ay sababtay in Imaaraadku u soo jeesto wax la qabashada Jamhuuriyadda Somaliland.Mashaariicdani waa maalgashigii ugu weynaa ee ay Somaliland kasbato muddada rubuc-qarniga ah ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa shalay galab  gaadhay magaalada Berbera, intii uu jidka ku sii jiray waxa uu soo dhawayn ballaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan degmooyinka, tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.  Socdaalka shaqo ee madaxweyne Siilaanyo, waxa magaalada Berbera, kaga warbixiyay Afhayeenka Madaxtooyada, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr); “Madaxweynaha waxa socdaalkiisani  uu ku eg-yahay magaaladda Berbera, taas oo maalinta bari (Khamiista)  oo ay bishu tahay 11 lagu qaban doono xaflad  si rasmi ah loogu wareejinayey shirkadda wayn ee DP World dekadda Berbera. Xafladaas ayuu madaxweynuhu ka hadli doonaa,”ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaasi ku daray; “Ujeeddada ugu wayn ee madaxweynuhu u yimmi,  waxa weeyaan mashaariicda qiimaha leh ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ku talaabsatay, madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu ummada jamhuuriyada Somaliland uu ku dhiiri-geliyo kuna baraarujiyo in la soo dhaweeyo horumarka iyo mashaariicda qiimaha u leh dalkan. sidaas daraadeed mashruucan DP World waxa uu ka mid yahay mashaariicda qiimaha leh ee xukuumaddan madaxweyne Axmed Siilaanyo  ay dalkan ka fulisay.”

Weftiga madaxweynaha socdaalkan waxa ku wehelinayey, Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Kulmiye ahna Murrashaxa madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, marwada koowaad ee qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirrada  Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Arrimaha dibeda,Maaliyada,Ganacsiga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Tan iyo markii xukuumaddu qalinka ku duugtay labadan heshiis ee waaweyn ee ay la gashay dawladda Imaaraadka iyo shirkadda laga leeyahay dalkaas, waxa camirantay magaalo xeebeeda Berbera oo sida weriyeyaasha Dawan, ku soo warameen aad u fiday, waxaana qaaliyoobay qiimaha dhulka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply