Guddida 18-ka May ee Taakuleynta Dadka Abaartu Tabaaleysay oo La Magacaabay

0
279

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in markii uu arkay  baaxada tabaalada ka dhalatay abaarta kulul ee dalka ku dhufatay, uu go’aansaday in xuskii munaasibadda 18-ka May ee sannadkan loo beddelo qaadhaan loo ururiyo dadka abaartu saamaysay.

 

Madaxweynuhu waxa uu magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay, oo ka iskugu jira Wasiirro, xisbiyada siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo Guddida gurmadka abaaraha qaranka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda, Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

Mudaneyaal iyo Marwooyin,Sida aad la socotaan waxa foodda innagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh.

 

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba;

Markaan Arkay: In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba.

Markii Aan Tixgeliyey: Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan;

Markii Aan Qiimeeyey:Nuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeenna abaaruhu tabaaleeyeen;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.

 

  1. Waxaan idiin magacaabay GuddidaGargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:

 

  1. B) Qaadhaan Ururin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.
  2. T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.
  3. J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la’aanta,                             diihaalka iyo diifta abaartu reebtay.

 

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

 

Guddida La magacaabay:

 

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Guddoomiyaha Guddida, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha       Guddoomiye Ku-xigeen, waxaana xubno ka ah  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada,  Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Duqa Caasimadda Hargeysa.

Waxa kaloo Guddidan xubno ka ah Maxamed Shugri Jaamac oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Jamaal Caydiid Ibraahim (Rugta Ganacsiga),  Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha SONSAF, Mustafe Sacad Dhimbiil, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf), Cumar Cismaan Miigane (Sonyo), Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo), Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo),  Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad), Mustafe Axmed Xassan (Nagaad),  Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha, Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha),   Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID), Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID), Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI), Dr. Axmed Aadan Buuxane     (Xisbiga WADDANI), Sheekh Maxamed Cali GeediXisbigaWADDANI).”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply