Wasiir ka Walaacsan Halista Xadhkaha Laydhka ee Magaalooyinka Dalka

0
298

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa walaac ka muujiyay  halista ka dhalan karta xadhkaha  shirkadaha laydhka ee  gudbiya korantada magaalooyinka dalka.

Wasiirku   waxa uu sheegay  in aanay waxba ka  jirin   shirkad gaara oo  ay u xidhayaan laydhka magaalada Hargaysa, waxaana uu caddeeyay in Somaliland ay tahay dalka ugu korantada qaalisan aduunyada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in  ay wadaan nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen shirkadaha laydhka. Isaga oo tilmaamay in shirkadaha laydhka Somaliland ay yihiin kuwa ugu tayada hooseeya aduunyada.

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi; “Waxa aanu masuul ka nahay in aanu ilaalino habsami u socodka korantada  oo nolosha bini’aadamka aasaas u ah, oo aan laga maarmin una baahan in la nidaamiyo, mana jirto haba yaraatee shirkad gaara oo aanu ku nidhi adiga oo kaliya ayaa Hargaysa laydhka ka daari kara, waxaana arintu ka kacday markii   wasaaraddu  damacday in  ay nidaam u samayso shirkadaha laydhka siiya magaalada Hargaysa, taasaa keentay in ay yidhaahdaan suuqu xor maaha oo cid ayaa loo xidhayaa laydhka.’

“Waxaa muhiim ah in nidaam loo sameeyo shirkadaha laydhka, si aanay khatar u galin dadka, nidaam ayaana aduunyada u yaala, magaalooyinkuna  dusha ayay ka miinaysan yihiin lamina noolaadeen haddii dufaano iman lahaayeen, Illaahay inaguma keenee, sida looga ganacsado korantada shirkadaha laydhka ka ganacsadaa waxa uu ka soo bilaamay in nin tukaan haystaa  janajnetar  shito, waxaana ay noqotay in intaaas oo shirkadood laydhka u shidaan magaalooyinka, markaa kii toban guri laydhka u shidaaba  shirkad laydh ayay noqotay,  jaantaa rogan ayaanay iska ahayd korantada Somaliland, suuqaa  xorta ah ee korantada waxa laga faa’iiday in aynu noqono dalka ugu laydhka qaalisan aduunyada, waxa kale oo ay noqdeen shirkadaha laydhka gudbiya magaalada Hargaysa  kuwa ugu tayada hooseeya caasimadaha dunida, ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale, oo u waramayay Telefiishanka HCTV, waxaanu intaa ku daray “markaa waxa loo baahan yahay in laga guuro oo la xakameeyo, waxa kale oo jirta in laydhku khatar galinayo dadka oo aan lasku halayn karin xadhkaha  laydhka gudbinaya, markaa in laga guuro ayaa loo baahan yahay oo sharci loo sameeyo oo la helo siyaasadda xukuumaddu ka leedahay korantada, muwaadinkuna waxa uu xaq u leeyahay in uu helo koranto  jaban  oo badqabta, mana xaqiijin karno inta aynu ku jirno sidan  jaantaa roganta ah.’

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply