DP World oo ka Hadashay Qorsheyaasha ay ku Bilaabayaan Casriyeynta Dekedda Berbera

0
288

Berbera (Dawan)-  Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera oo ay gacanta ku hayn doonto, isla markaana maalgelin iyo casriyeyn ku samaynayso muddo 30 sanno ah, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo ku maalgelinaysa lacag dhan $442 milyan oo doollar. Waxaanay soo bandhigeen qorshayaashooda ay ku bilaabayaan horumarinta marsadaas.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Berbera  khamiistii, ayaa lagula kala wareegay maamulka Dekedda, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha shirkadda DP World Group Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem, Wasiirul-dawlaha Gaadiidka Itoobiya Mr. Abdissa Tedisa, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti-sharaf badan oo lagu casuumay, iyadoo ay shirkadda DP World gacanta ku haysay hawlaha dekedda Berbera ilaa bishii march ee sannadkan 2017.

Shirkadda DP world, ayaa sheegtay in maalgashiga ay ku samaynayso dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag dhan $442 milyan ee doollar loo kala qaybiyey laba weji oo wejiga hore yahay dhismaha qaybta gaadiidka baddu ku soo xidhaan si xammuulka looga dejiyo, amma loo saaro (Quay), kaasoo dhererkiisu yahay 400 mitir iyo barxad gaadhaysa 250,000 (laba boqol iyo konton kun) oo mitir isku wareeg ah oo lagu kordhinayo dekedda, halka sidoo kale la horumarinayo qaybta suuqa xorta ah (free zone) si ay Berbera u noqoto ubucda ganacsiga Gobolka Geeska Afrika.

“Tani waxa ay qayb ka tahay hiigsigayaga ah in aannu samayno dhiirigelinta ganacsiga iyo fududaynta koboca, iyadoo la caawinayo dalalka qaaradda Afrika inay horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee ku xidhaya suuqyada adduunka. Waxa aannu aad ugu mahadnaqaynaa, uguna hanweyn nahay fursadaha ah in aannu qayb muhiim ah ka noqono horumarka Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha DP World Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem.

Waxaannu intaas ku daray; “Maalgelinta dekeddan (Berbera) haysata biyaha gunta dheer ee dabiiciga ah iyo suuqa ganacsiga xorta u ah, waxa uu dariiq amma hab la raaco u noqonayaa koboca iyo koriinka ganacsiga dalka iyo mandaqada geeska oo dhan, waxaanan u mahadnaqayaa  dawladda iyo dadka reer Somaliland oo leh aragti hiigsi ah si loo qaado tallaabooyinka daruuriga u ah in la maalgashado dekedda Berbera, waxa kaloo aan u mahadnaqayaa Maayirka Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil oo si fiican u soo dhaweeyey kooxda DP World, dareensiiyeyna inay dalkoodii oo kale joogaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna hadal ka jeediyey xafladda, ayaa sheegay in maalgashiga ay shirkadda DP World ku samaynayso Dekedda Berbera uu qayb ka noqonayo xoojinta xidhiidhka qarniyada badan jiray ee  u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxa ay arrintani dib u soo celinaysaa, una soo noolaynaysaa, isla markaana iftiiminaysaa kaalinta ganacsi iyo muhiimadda ay lahayd dekedda Berbera oo ah marinka badda cas ee dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maamulaha DP World Berbera Mr. Ibrahim Al Hammadi oo sheegay inay soo dhawayn fiican iyo yididiilo kala kulmeen dadka ku nool magaalada Berbera, waxaannu yidhi; “Tallaabooyinka xiga ee aannu qaadayno waxa ugu horeeya dhismaha qaybta gaadiidka baddu ku soo xidhaan marka ay xammuulka dejinayaan amma la rarayo iyo barxad kale oo ballaadhan, hirgelinta naqshadaynta goobta la dhigo badeecadaha dhoofaya amma soo degaya (terminal layout), halka sidoo kale aannu ka shaqaynayno istiraatijiyadda qorshaha waqtiga fog ee joogtaynta mashaariicda, iyadoo aannu rajaynayo in aannu si wada jir ah ula shaqayno dadweynaha reer Berbera si loo suurtogeliyo doorka taariikhiga ah ee dekeddu ku lahayd inay noqoto ubucda ganacsuga badda cas.”

Waxa kaloo uu sheegay inay hawlahooda shaqo la kowsadeen bilawga bishii March ee sannadkan 2017, isla markaana ay qaateen dhammaanba 713 shaqaale joogto ah oo ka hawlgelayey dekedda, waqtigana ay bilaabeen tababarka iyo horumarinta aqoonta shaqaalaha si loogu diyaariyo kaalinta ay ka qaadanayaan casriyeynta dekedda Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply