Dawladaha Somaliland iyo Ruushka oo ka Wadahadlay Xoojiyaan Iskaashiga Labada Dal

0
270

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay khamiistii la soo dhaafay  diblomaasiyiin sarsare oo ka socday qunsuliyadda  Ruushku ku leeyahay Jabuuti.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda,  waa weftigii  ugu horreeyay ee Ruushka ka socda ee Somaliland cagaha soo dhigay muddo 38 sannadood ah.

Warsaxaafadeedkan oo Ingiriisi ku qornaa waxa soo turjumay Wargeyska Dawan, waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa  la kulmay Ku-xigeenka Qunsuliyada Ruushka ee fadhigiisu yahay Jabuuti  Mr. Yury Kourchakov, Waana markii u horreysay ee muddo 38 sannadood ah diblomaasiyiin Ruush ahi yimaadaan Somaliland. weftigani waxay ka wadahadleen Wasiirka Khaarajiga sidii loo ballaadhin lahaa cilaaqaadka labada dal.

Wasiirku wuxuu u sharraxay halganka ay ugu jirto dalkeeda caawimo la’aan, isla markaana ay tahay meel dimuqraadiyadu ka tisqaaday oo guul weyn oo aan la dafiri karin ka gaadhay, halka dalka la jaarka ah ee Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro.

 

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay heli doonto aqoonsiga caalamiga ah oo ah mid u qalanto. Waxa kaloo uu intaas ku daray in ictiraafka  Somaliland ay  maslaxadi ugu jirto caalamka sababta oo ah nabadda iyo xasiloonida mandaqada.

 

Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti, oo  waday Ku-xigeenka Qunsulka Ruushka, ayaa kulanka Wasiirka ka hor, la yeeshay  shir midho-dhal ah. Wakiilka Somaliland oo arrintaas ka hadlayay wuxuu yidhi; “Waxaan filayaa inaad arki doontid nabadda iyo xasiloonida Somaliland ku naaloonayso, waxaynu u socdaali doonaa Berbera iyo meelaha kale ee taariikhiga ah ee Somaliland.”

 

Diblomaasigan Ruushka ayaa u mahadceliyay Wasiirka Khaarajiga Somaliland sida diiran ee uu u soo dhaweeyay, waxaanu sheegay inuu booqasho kale ku iman doono Somaliland,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

 

Geesta kalena booqashada diblomaasigani waxay ku soo beegantay xili dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay saldhig millatari ka siisay dawladda Isu-tagga Imaaraadka carabta Madaarka Berbera oo Ruushku dhisay xiligii uu socday dagaalkii qaboobaa ee adduunku.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply