Cali Khaliif oo Sheegay In Dadka Degaankiisa Dantoodu ku Jirto Somaliland

0
347

Buuhoodle(Dawan)- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in dadka deegaankiisa ay dantu ugu jirto Somaliland, waxaanu tilmaamay  in beesha caalamku isla      qaadatay in Somaliland iyo Soomaaliya loo wada hadlo. Prof. Galaydh  oo wadahadal kula jira xukuumadda Somaliland, waxa uu sidaas ka sheegay  kulan lagu qabtay  magaaladda Buuhoodle oo ku saabsanaa amaanka,    Waxaanu u soo jeediyay bulshadda degaanka Buuhoodle in ay ogaadaan halka ay dantoodu ku jirto Somaliland. Waxaanu yidhi;  “Soomaaliya  caalamku wuu u soo jeestay, maxsuulka uu isla qaatayna waa in Soomaaliya  iyo Somaliland  loo wada hadlo, halkaas ayaad xaajadeenu halkay jirto aad ku garan kartaan. Waxa  kal aydaan ogayn in maamulka aynu tolka nahay ee Puntland inay korodhsanayaan xildhibaannada oo 66 xubnood ahaa oo innaga ay innagaga tilmaami jireen 17 xubnood,   ogaada inay sagaashameeyo ka dhigtaan ogaadana inay 17-kii waxay ku kordhiyaan daayoo inay qaar ka dhimaan tirada ay inagu sheegaan ee ahayd 17-ka,   ogaada in ninku haku dilee hadana uu kuugu daro cay inuu yahay dilka ugu xun”.

 

Ugu danbeyn Cali  Khaliif, waxa uu ka hadlay cida leh masuuliyadda  masiirka iyo ummada degaankaasi, “Ogaada in aan caaqil iyo garaad midna ummadd aayaheed la waydiinayn, ee ummadani leedahay cid masuuliyadeeda loo igmaday, aqoonteeda leh, ka xisaabtami karta, laakiin laga gudbay wakhtigii duubab la dhaq-dhaqaajin jiray,”  ayuu yidhi Cali Galaydh.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply