Toban Askari oo ku Dhaawacmay Hawlgal Ciidanka Boolisku ka Fuliyeen Berbera

0
327

Berbera (Dawan)- Toban askari oo ka tirsani Ciidanka Booliska,ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen hawlgal ay shalay ka fuliyeen  magaalada Berbera, kaasi oo ay ku duminayeen  dhisme  la sheegay inuuu sifo sharci darro ah ku dhisanayay nin la yidhaahdo Faysal Axmed Maygaag (Wadka). Ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Saaxil amar ku bixiyay in la joojiyo dhismahaas.

Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Saaxil Ganshaale dhexe, Aadan Cabdi Cawaale (Qushi), ayaa ka hadlay hawlgalkaas iyo iska caabbin ay kala kulmeen ninkii dhismahaas dhisanayay oo rasaas kala hor yimmid ciidanka Booliska. “Halkan maanta (shalay) waxaa ka jirtay hawlgal  D/Hoose ay ku burburinaysay dhul uu nin Faysl la yidhaahda ku dhisanaayey sharci darro , ka dib markii ciidanku yimid goobta waxa uu lasoo baxay qori  oo rasaas ayuu ku riday ciidanka dadkiinna dhagaxaan ayay dhulka u taabteen. Ciidanka waxa uu dhaawac ka soo gaadhay Illaa toban askari , waxaan  qabanay toban  qof oo shacab ah oo hada xabsiga ku jira,  nasiib darro waxaa naga baxsaday  ninkii laakiin gacanta ayaan kusoo dhigaynaa haddii ALLe yidhaahdo,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxa kaloo Taliyuhu intaas ku daray;  “Hawsha waanu wadanayaa marka aanu dhammaystirno waxaan ka hawlgalanaynaa ninkaa ciidanka booliksa rasaaseeyey  sidii aanu ku soo qaban lahayn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply