Shimbirka Cimriga Dheer Ee Is Da’ Yareeya!

0
395

Shimbirka Gorgorka ayaa la cadeeyay inay da’diisu gaadho 70 sano, laakiin marka uu gaadho 40 sano ayay cidiyihiisu waayaan debecsanaantii waxaana uu awoodi waaya inuu wax ku ugaadhsado, iyagoo ahaa isha keliya ee uu raashinka ku heli jiray.  Afkiisa dhuuban ayaa isna noqda mid af daran oo qaloocsama.

Da’dan uu gaadhay ayaa keenta in labadiisa baad ay ku bataan baalasha. Wakhtigaasi ayuu gaadha go’aan adag oo ah inuu isu dhiibo geerida ama uu qaato go’aan kale oo xanuun badan mudo 150 maalmood ah.

Shimbirkan ayaa meel buura taga oo afkiisa dhuuban la dhaca salaxyada weyn si uu u jabo. Waxa kale oo uu ku jebjebiyaa cidiyihiisa dhagxanta, isagoo mark danbe iska googoya baalasha farah badan ee fuulay.  Waxa yaab noqotay marka muddo 30 maalmood la gaadho inay noqdo sida mid imika soo dhashay oo kale , waxaana uu sii noolaada 30 sano oo kale. Daraasad laga sameeyay shimbirkan ayaa cadaysay inay tahay arin yaab leh.

 

Leave a Reply