Guddoomiye Cirro Goorma Ayuu Iska Casilayaa Xilka iyo Xubinimada Golaha Wakiillada?

0
365

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa cayimay xiliga ay qabsoomayso doorashada madaxtooyadda oo uu u muddeeyay inay waddanka ka dhacdo 13-ka Bisha November 2017.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Ku-simaha afhayeenka, ahna Agaasimaha Saxaafadda ee madaxtooyada, Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaannu u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

 

Madaxweynuhu:Markuu Arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda    Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr.  20/ 2001; Markuu Helay:   Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr.  20/ 2001; Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015; Markuu Ku Qancay:      In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Wuxuu Soo saaray

 

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Ku-simaha afhayeenka madaxtooyada, ahna Agaasimaha saxaafadda ee Madaxtooyadda, Naasir Yuusuf Daahir.

 

Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu iska casilo xilka iyo xubinimada aqalkaas, oo uu 12-kii sannadood ee la soo dhaafay hoggaaminayay. Waxaa lagu wadaa inuu Guddoomiye Cirro macasalaameeyo golahaasi maadaama oo uu hore u balanqaaday inuu xilka iyo xubinimada Wakiillada ka tagi doono maalinta madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaro digreetada uu ku muddeynayo doorashadda madaxtooyadda oo muddo laba jeer ah oo hore dib-u-dhacday.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayay  tahay inuu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu u madax-bannaanayo murrashaxnimadiisa madaxweynenimo ee uu u cararayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply