Wasiirka Madaxtooyada oo Shaaciyay in Cafis Madaxweyne Loo Fidiyay Maxaabiis ku Jirtay Jeelka Boorame

0
347

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu cafis rasmi ah u fidiyay maxaabiista ku xidhan jeelka dhexe ee magaalada Boorame.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo uu socdaal shaqo ku tagay, isaga oo xubin ka ahaa wefti ballaadhan oo ka socday Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE.

Wasiirka oo ay Wehelinayeen Wasiiro kale iyo Gudoomiyaha KULMIYE oo kormeeray xabsiga Boorama ayaa saxaafadda la hadlay, waxaanu yidhi “Socdaalka aanu gobolka Awdal ku nimid marka laga yimaado kormeerka cisbitaalka guud iyo xaalada shuban biyoodka, waxa ka mid ahaa in aannu u kuur-galno xaalada xabsiga dhaxe ee gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Boorama in aanu eegno, oo war bixin laga soo gaadhsiiyey madaxweynaha qaranka, oo taliyaha ciidanka Asluubtu uu u keenay, oo ah in maxaabiistii ku badatay, guud ahaana jeelasha aynu haysanaa waa kuwo la dhisay xiligii Ingiriiska intii xukuumadda xisbiga Kulmiye tallada haysayna waxaannu dhisnay Jeelashii ugu badnaa, marka laga yimaado kuwaa ay dawladda Ingiiirsku dhistay, qaarna waanu balaadhinay.”

Maxamuud Xaasi waxa uu iftiimiyey inay gacanta ku hayaan dhismaha xabsiga dhaxe ee Boorama waxaanu yidhi “magaallada Booramana waxaanu gacanta ku haynaa xabsi cusub  oo weyn oo badali doona kan, waayo xabsiyada waxa loo sameeyaa in dadka dambiyada lagaga gooyo, lagu dhaqan celiyo, laguna xanaaneeyo, in lagu laayo oo ay ku dhintaan dawladuhu uguma tallo galaan.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inay kordhayaan tirada maxaabiista dalku, si la mid ah sida ay u kordhayaan dambiyada la galaa waxaanu yidhi “ Xabsigan iyo kuwa kale ee dalkaba waxa ku soo kordhay maxaabiis badan, waayo dunuubtii ayaa kordhaysa, waana meesha loogu tallo-galay in dadka dambiyada lagaga reebo oo dhaqan celin loogu sameeyo, markaa xabsigan tiro badan ilaa 190 qof ayaa ku xidhan, shan ka mida waxa ku dhacay xanuunkii shuban biyoodka, cisbitaalka ayaa la geeyey, may dhiman Alle mahadii si fiican ayey u soo kabanayaan.”

Maxamuud Xaashi ayaa shaaciyey in Madaxweynuhu uu cafiyey Maxaabiis ku jirta xabsiga dhexe ee Boorama waxaanu yidhi “ Madaxweynaha Qaranka markii warbixintaasi soo gaadhay wuxuu go’aansaday in xabsigan sidii xabsiga Burco oo kale uu sameeyey inuu cafiyo dhammaan wixii maxaabiis ah ee aan u xidhnayey xaq bini-aadam, madaxweynaha qaranku xaq uma laha oo ma cafiyi karro wixii xaq bini-adam u xidhan, haduu cid dilay, iyo haduu cid dhacay-ba, wixii dunuub fudud qaranka ka galay ayuu go’aansaday inuu cafiyo, beri ilaa saa’dambe ayaa la sii dayn doonaa, sidoo kale dhismihii Jeelka cusubina waa socdaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumad ahaan ay Boorma gaadhsiiyey deeq dawooyin ah waxaanu xusay in aanay olole u socon balse safarkoodu uu ahaa mid gurmad ah waxaanu yidh “Waxaannu halkan u nimid gurmad xaalada shuban biyoodka ee gobolka Awdal ku soo korodhay magaallo madaxdiisa Boorama wakhtigii labaad soo laba-kaclaysay ayaannnu u nimid. Guud ahaanba waxa aynu soo marnay marxalad adag oo abaar ah oo dalkeena saamaysay, oo dad ku dhow ilaa laba malyuun oo qof, ama malyuun iyo todoba boqol oo kun oo qof ah, oo muwaadidiinta dalkana saamaysay, xoolo badan innaga laysay, qaran ahaan ayeynu isku tashanay.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada ugu baaqay inay is-kaashato, waxa uu qarankii ka dhigay heegan, xukuumad ahaan waxba lamaanu hadhin, bulshada Somaliland way dadaashay oo waxba lamay hadhin, hoggaamiyuhu ummadda waxa uu ku hagaa xeelad ay duruufaha adag kaga baxaan, taasi waxa ay keentay abaartaas sadexda boqol ee kun ee qoys ee reer Somaliland ah saamaysay dad tirro ka badan toban qof in aanay abaartaasi inaga dilin, abaaraha waa lagu madhaa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu intaasi ku daray “Waxa inoo weheliyey markii roobkii da’ay xanuunkan shuban biyaadka wuxuu ku dhacay dad gaadhaya dhawr iyo toban kun oo muwaadiniin ah, 12, 000 ilaa 13, 000 ayaan qiyaasayaa, tirada rasmiga ah waxa haysa bahda caafimaadka, oo kun in ku dhaw uu gobolkani kaga dhacay, waxa inagga dhintay laba boqol iyo lixdan qof dad aan ka badnayeyn, halkaa waxa ka muuqata cudurkii wuxuu inaga dilay dad aanay abaartii inaga dilin, waa la dadaalay, Wasaarada caafimaadka oo digtoor Saleebaan uu u horeeyo waxaannu ku bogaadinaynaa dadaalkii ay galeen, iyo hawl wadeenada gobollada ee bahda caafimaadka, gaar ahaan gobolkan Awdal ee aannu maanta joogno, xaaladan xakameeyey, aad iyo aad ayaanu u bogaadinaynaa.”

“Waxaannu bogaadinaynaa Hay’adda Save The Children oo iyaduna gacan weyn ka gaysatay, iyo dhamaan hay’adaha kale ee inaga caawiyey gargaarkan iyo gurmadkan, waxba anagu xukuumad ahaan lamaanu hadhin, wixii aannu tari karaynay waanu tarnay, xilka Ummaddan anagaa hayna, wax wal oo aannu u qabano ma nidhaa halkaasaanu dhagax galinay,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkii ugu dambaayey ay dalka kala soo dabaasheen xaaldado adag waxaanu yidhi “Waxa aynu ka soo dabaalaynay duruufo adag, hadii aannu nahay Xukuumad liidata oo qorshe aan lahayn sidaa may ahaateen, ummadduhuna waxa ay wax kaga badbaadaan dadaalka, hiigsida iyo  qadarka ILAHAY, nasiibka iyo ayaanka, hadaan ILLAHAY noo fududayn, oo aannu ayaan daran nahay, qarankani waxaas oo duruufo ah kama soo dabaasheen muddo hal sanno gudaheed ah, waannnu dadaalnay, waa waajib na saaran kuna faani mayno, maantana tamashle iyo olole siyaasadeed halkan umaanu iman, marka ole-oluhu bilaabmo Xukuumaddani waa xisbigii tallada hayey muddo todoba sanno ah, waxaannu la soo bixi doonaa waayo aragnimadayyadii iyo khibradayadii, waannu garnaqsan doonaa, waxaannu la soo bixi doonaa waxaanu qabanay, waxaannu la soo bixi doonaa waxaannu ummadda u qaban doono, khibradayada ayaanu keeni doona gollahan maantana maaha.”

Maxamuud Xaashi, sidoo kale waxa uu bogaadiyey Xisbiga KULMIYE iyo hogaankiisa waxaanu yidhi “Waxaan isagana bogaadinayaa Guddoomiyaha Xibsiga KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye, oo hawlahan gurmadka shuban biyoodka iyo abaaraha dadaal weyn ka gaystay. Waxaannu annagu Xukuumad ahaan gargaar dawo gobolkan u sidnay boqol iyo labaatan kartoon oo dawo ah, dawooyin kalena way soo socdaan, waxaannu aaminsan nahay inaan laga werweri doonin in ay dawo inaga go’do ILLAAHAY amarkii.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply