Xisbiga Madaxweynaha Faransiiska oo Guul Weyn ka Gaadhey Doorashadii Baarlamaanka

0
401

Xisbiga Madxweyne Emmanuel Macron ee Faransiiska ayaa  ayaa la sheegayaa inuu guul weyn ka gaadhay doorashadii kuraasta baarlamaaka ee shalay loo dareeray  wareeggeedii ugu horeeyay.

Sida ay muujinaysay  natiijada hordhaca ah markii xalay la soo afjarey codeyntii ayaa xisbiga La Republique en Marche (Republic on the Move) waxa uu qarka u saaraa inuu ku guuleysto in ka badan 400 oo kursi oo ka mid ah kuraasta baarlamaanka qaran ee dahn 577 kursi.

 

 

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa dooranaya xildhibaanno cusub, bil ka dib markii madaxtinimada dalkaasi uu ku gulaystay Emmanuel Macron, oo ku cusub masraxa siyaasadda.

Madaxweyne Macron ayaa rajaynaya in musharraxiinta xisbigiisa La Republique en Marche ay ku guulaysan doonaan aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka ee ka kooban 577 kursi.

Doorashada ayaa ah laba wareeg, waxaana wareegga kale uu dhici doonaa Axada dambe.

Guul uu gaadho xisbiga Macron ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta labada xisbi ee dalkaasi ugu faca weyn, kuwaasoo gaadhi waayay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore.

Haseyeeshee xildhibaanno tiradoodu kooban tahay ayaa la filayaa in lagu doorto wareeggan koowaad.

Musharraxiinta ku guulaysta in ka badan 50% codadka deegaankooda laga dhiibtay ayaa wareeggan ku noqonaya xildhibaanno, halka kuwa deegaannada kale ee hela in ka badan 12.5% ay u gudbi doonaan wareegga labaad.

Xisbiga madaxweyne Macron oo la sameeyay sanad un ka hor, ayaa doorashadan u soo xushay musharraxiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin arday, dad howl-gab ah iyo weliba ciyaartooy.

Ammaanka dalka oo dhan ayaa la adkeeyay ka dib weerarradii argagixisada ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah ayaa sugaya ammaanka dalkaasi doorashada awgeed.

 

Leave a Reply