Seif AL- Islam Qadaafi oo Xabsi laga sii Daayay

0
434

Wiil  uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay.

Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Liibiya ayaa waxaa ay sheegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya ku soo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Neyjer, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood.

Sanadkii  2015-kii maxkamad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil iyada oo lagu eedeeyay falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

Saif al-Islam ayaa wali waxaa doon doonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaladiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya.

Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka hadhay nidaamkii Qadaafi.

Iyadoo gudaha iyo dibadda Libiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaha taageero ka heystaa gudaha Libiya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya.

Leave a Reply