Basaaskii Halista Ahaa Ee Gudbiyay Mashruucii “Manhattan Project”! qaybtii-2

0
385

Bishii March sanadkii 1932 oo ahayd doorashadii madaxweynaha Jarmalka, xisbiga SPD wuxu taageeray Paul Von waxayna aad uga cabsi qabeen in cod badan helo murashixii ka soo horjeeday ee xibiga NSDAP oo ahaa Adlof Hitler. Wakhtigaasi waxa la sugayay in xisbiga shuucigu uu cadeeyo murashaxooda, iyagoo markii danbena sheegay in Ernt Thalmann u noqonayo musharaxooda.

Intaasi ka dib Mr.Fuchs  xisbigaasi ayuu si rasmi ah ugu biiray isaga iyo saddex ay walaalo yihiiinba.  Waxaana loo soo bandhigay inuu noqdo afhayeen madaama uu ku fiican hadalka fagaarayaasha, qancinta iyo weliba sida loo niyad jebiyo kuwa aaminsan fikrahada aanu isagu la dhacsanayn..

Fuchs iyo walaalkii Gerhard oo ka weynaa waxay labaduba ahaayeen kuwo meelaha fagaarayaasha ah si fiican uga hadla dadkana soo jiita.Waxaana uu had iyo jeer burburin jirin kulamada public ee xisbiga NSDAP oo wakhtigaasi olole xooggan waday,  waxaana dhacday in ay mar garaaceen taageerayaal xisbiga NSDAP oo weliba weibga ku tureen.

Markii uu guulaystay xisbiga NSDAP oo Hitler noqday Chancellor-ka talada Jarmalka qabtay xisbigii shuuciga ahaa ee uu ku jiray Fuchs waxa fuulay cadaadis xooggan.

Bishii Janauray sanadkii 1933, Fuchs wuxu go’aansaday inuu iskaga guuro magaaladii uu degenaa ee Kiel , sababtuma waxay ahayd iyadoo uu ku xoogganaa xisbiga NSDAP ee talada la wareegay, waxaana uu cabsi ka qabay iyaga madaama uu ahaa xubin firfircoon oo caan ah.

Waxaana uu guuray Berlin isagoo ka bilaabay waxbarasho Mac-hadka Kaiser Wilhelm Institute waxaana u bartay culuumta Physics-ka.

Bishii Feberweri  28, subax hore isagoo tareeen la socda oo qayb galaya shir uu subaxaasi lahaa xisbigiisa KPD, ayaa Tareenka dhexdiisa ku akhriyay wargeys ka warmayay dabkii qabsaday maalintii ka horaysay ee 27 Feberweri xarunta Reichstan Buliding oo ahayd xarunta barlamanka Jarmalka.

Wargeyska ayaa sheegay in dabkaasi ay danbeeyeen xisbi mucaarid ah. Waxay ahayd markii bil keliya ka hor xukunka loo dhaariyay  Adolf Hitler. NSDAP ee Hitler ayaa sheegay in will lagu magcaabo Marinus Der Lubbe oo dhalinyaro ah ka tirsan golaha dhex ee xisbiga shuuciga ah ee Dutch lagu qabtay goobta dabku ka kacay isla markaana la xidhay. Fuch waxay ku noqotay la yaab dhaleecaynta degdega ah iyo waxa soo socda e waayuhu qarsanayaan…  ( La soco)

 

Leave a Reply