Badhasaabka Saaxil oo ka Hadlay Khasaaraha ka Dhashay Dab Xalay Fiidkii ka Kacay Dekedda Berbera

0
386

Berbera (Dawan)-  Hal  Koontiinar ayaa  ku shufbeelay Dab xalay  fiidkii ka kacay dekedda magaaladda Berbera, kaas oo gebi ahaanba ay wada gubatay allaabtii ku jirtay, isla markaana aan waxba laga bad-baadin.

Sida  uu  xaqiijiyay badhasaabka gobolka Saaxil  Jaamac Yuusuf Axmed, oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan, isagoo joogay magaaladda Berbera. Waxaannu    beeniyay wararka sheegaya in Dekedda Berbera qaybta Koontiinaradda la dhigo Dabku  qabsadday.

Jaamac Yuusud Axmed, waxa uu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo qaybaha kale ee Dekedda ka soo gaadhay  Dabkaasi  balse  Koontiinarkaas oo keliya uu Dabku qabsaday, isla markaana  ay  boolisku baadhitaan ku samaynayaan sababta keentay Dabkaasi.

“Dekedda qayb ka mid ah ma guban, hal Koontiinar ayuu  Dab ka kacay,  halkii koontiinar-na waa lagu guulaystay oo waa la bakhtiiyay. Dhamaanba wixii ku jiray koontiinarkaasi wuu gubtay oo wuu bas-beelay.  Ma jirro wax khasaare ah oo uu Dabkaasi soo gaadhsiiyay qaybaha kale ee allaabta Dekedda taalay.

Arrintaasi booliska ayaa gacanta ku haya oo baadhaya  sababta dhalisay dabkaasi.  Dab  hadda kacay  wixii sababay imika lama ogaan karro, ilaa ay boolisku soo xaqiijiyaan.  Maanta (shalay) heer-kulka magaaladda  Berbera wuxuu ahaa  oo uu gaadhay  45 ilaa 46  degree ayuu ahaa,” ayuu yidhi badhasaabka Saaxil.

Waxa kaloo  uu sheegay badhasaabka Saaxil,  in aan ilaa hadda la cadayn Karin nooca allaabta ku jirtay Koontiinarkaasi gubtay  iyo sidoo kale shirkadda lahayd, maadaama oo ay  wakhtigaasi  boolisku  baadhitaanka   gacanta ku hayeen.

Waxaanu yidhi  “Allaabta ku jirtay koontiinarka gubtay lama garan karo nooca ay ahayd, oo booliska  ayaa ku xidhay Silig meesha uu koontiinarku ku gubtay, ilaa ay hawshoodda dhamaystaana lama geli karro Dekedda,  oo xataa shirkadda lahayd koontiinarka gubtay  lama ogaan karro.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply