Xildhibaan Dheeg oo Sucuudiga ugu Baaqay Inuu Xayiraada ka Qaado Xoolaha Somaliland

0
330

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa dawladda Sacuudi Arabiya ugu baaqay in ay xayiraada ka qaado xoolaha nool ee Somaliland oo ay dhoofkiisa xayiraad ku soo rogtay sannadkii hore.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu masuuliyiinta dawladda ee dalka dibadiisa safarka ugu maqan ku adkeeyay in ay xil iska saaraan sidii ay ugu dedaali lahaayeen sidii ay waddamada ay joogaan ugala xaajoon lahaayeen in dhoofka xoolaheenna dib loo furo.

Mudane Dheeg, waxa kaloo  uu ka hadlay go’aankii xukuumadda Somaliland ay ku taageertay huwanta Sucuudiga oo uu sheegay in ay fursadi innoogu jirto, waxaannu sidan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa shalay.

Xildhibaanku isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya wuxuu   yidhi “Farmaajo inta uu kubada innoo soo laagay ayuu innagu yidhi waataasi ee dhashada xornimadii anigu waxaa la ii  nuuriyay Ictiraafkii Somaliland oo meel bannaan yaala, haddii aynu soo qaadanayno oo aynu nidhaahno Illaahay noomu simin Carabta iyo adduunka qolaa na Ictiraaftay oo 35-sannadood cunaqabatayn sida Qadar ku jira, oo ay ciddina nala hadli weyday dadkayaga cidda aragtay inuu yahay dad wanaagsan oo nabad-qaba oo maalgashi la gashan karo Imaaraadka ayaa arkay, annagu dad iskuma jiro ee halkaasi Imaaraadku maray ayaanu maraynaa, waxaa  muuqata in maanta midhaheedii ay ka muuqdaan.”

Mudanuhu waxa uu dawladda Sucuudiga ugu baaqay in ay dib u furaan xoolihii xayiradu saarneyd ee Somaliland, waxaannu yidhi,  “Waxaanan leeyahay arrintan ta ka sii weyni waa xoolihii Somaliland oo xidhan, maanta xoolahayaga macdaro ayaad ku leedihiin Berbera, intaasi oo meelood oo caafimaad ayay marayaan, xoola caafimaad qaba ayaanu idiin soo diraynaa xoolihii ha naloo furo.”

 

 

 

“Maanta oo xoolihiinna la innoo furo oo aynu noqonno Geeska Afrika xoolahoodii inaynu innagu wada daweyno oo ka dhoofino marsada Berbera, waxaa ay noqoneysaa wax Ictiraafkaba ka sii qiima weyn, waxaanan leeyahay wasiirrada iyo madaxweynaha iyo ciddii maqanba waa in ay arrintaasi ka faa’ideystaan oo ay xooga saaran sidii xoolihii leynoogu furi lahaa, waayo abaar ayaa nagu dhacday, saban xun ayaa nagu dhacay, dadkayagiina waa uu jilicsan yahay, waxoogaagaa u soo hadhay si looga iibsado xoolihii hana-loo-furo” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply