Boortaqiiska oo Dab Kacay ay ku Naf waayeen in ku Dhaw Lixdan Qof

0
388

Dad gaadhaya konton iyo todobo qof ayaa ku dhimatay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Boortuqiiska.

Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.

Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumeysanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaadhay dabka.

Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yidhahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dab demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada dabka ka kacay keynta.

Keynta uu dabka ka kacay ayaa waxaa booqday rai”sul wasaaraha dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa inay korodho tirada dhimashada, mana cadda waxa sababay dabkani.

 

Leave a Reply