Badmaaxayaal Mareykan ah oo Meydkooda laga Helay Markab Gudihii

0
358

Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo saarnaa markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmood ahna la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul.

Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha dalka Japan, waxaana dhimashada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Mareykanka.

Ciiidammada waxaa kale oo ay sheegeen in kooxaha samata bixinta ay meydadka dadkani heleen, ka dib markii ay u suuragashay in ay gudaha u galaan qeybaha burburay ee markabka, iyagoo intaa ku daray in meydadka haatan la geyay cisbitaal ku yaala Japan, si loo aqoonsado heybtooda.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 kilo mitir koonfur galbeed ka xigta magaalada dekadda leh ee Yokosuka ee dalka Japan.

Markabka dagaalka ayaa dhinac dhan ka burburay, waxaana markii dambe uu si tartiib ah ku soo gaadhay dekadda Yokosuka, isagoo gacan ka helaya doonyo uu leeyahay Maraykanka.

Goobta ay maraakiibtu isugu dhaceen ayaa ah meel saxmad badan, oo ay maraan maraakiibta iyo doonyaha u socda ama ka imanaya gacanka Tokyo.

USS Fitzgerald ayaa ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan caalamka, waxaana la isweydiinayaa sababta keentay in uu ka weecan waayo markab xamuul oo ka horyimid habeen ay baddu degan tahay.

Waxaana weli socda baadhitaan lagu ogaanayo waxa sababay in markabka dagaalka ee USS Fitzgerald uu ku dhaco markab xamuul ah oo ka diiwaangashan dalka Philippine.

Leave a Reply