Australiya oo Hakisay Duqeymihii ay ka Wadday Suuriya

0
350

Austaraliya ayaa ku dhawaaqday inay si ku meel gaadh ah u hakisay duqeymaha ciidamadeeda ay ka wadeen dalka Suuriya.

Tallaabadan ayaa timid maalmo kadib markii diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay soo ridday diyaarad Suuriyaan ah, islamarkaana dowladda Ruushka oo xulufo la ah dowladda Suuriya  ay ku hanjabtay in diyaaradaha xulufada Mareykanka ee ka howlgalaya hawada Suuriya ula dhaqmi doonto bartilmeemeed ahaan.

Austaraliya ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxda Daacish ka billaabay dalka Suuriya  sanadii 2014.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Austaraliya ayey ku sheegtay inay eegi doonto “xaaladda hawada Suuriya”, ayna go’aamada ku saabsan dib u billaabidda duqeymaha ku qaadan doonto qiimeynta xaaladda.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in duqeymaha ay ka waddo dalka Ciraq ay sii socon doonaan.

Dowladda Mareykanka oo ka jawaabtay hanjabaadda Ruushka ayaa sheegtay inay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo ku difaaceyso danaheeda.

 

Leave a Reply