Madaxweyne Uhuru oo ka Hadlay Shil Doomeed oo ka Dhacay Lamu

0
494

Madaxweynaha Kiiniya,  Uhuru Kenyatta ayaa  ka hadlay sida uu uga xun yahay dad gaadhaya toban qof oo ku dhintay shil doomeed oo ka dhacay  magaalada Lamu salaasadii.

Dhambaal tacsi ah oo uu madaxweynahu u direy qoysaskii, eheladii iyo saaxiibadii  dadka dhintay ayaa waxa uu ku sheegay  inuu si gaar ah uga murugoosan  yahay shilka  oo dhacay  xilli dadka badankiisu ku jiraan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Uhuru  waxa uu u rajeeyay caafimaad dhaqso ah kuwa la soo badbaadiyay ee la dhigay cusbitaalka  boqor  Fahad ee  Lamu.

Doonta oo sidey 22 qof iyo qalab dhisme oo timi  Ndau Islands , kuna jeeday  Lamu, ayaa ku gaddoontey qooriga  Mkanda  mowjadaha badda oo kacsanaa awgood.

Dadka  ku dhintay shilka ayaa ayaa waxa ku jirey carruur da’doodu u dhexaysay 10 ilaa 12 iyo afar waayeel ah.

.Ciidamada badda Kiiniya iyo qawaasiin ayaa la helay meydka toban qof.

 

Leave a Reply