Xoolo Dhaqatada Qadar oo ay Saameysay Xiisada Khaliijku

0
379

Sacuudi Arabiya ayaa sheegtay in ay dhammaan geelasha iyo adhiga reer Qadar ay ka guuraan dhul daaqeenkeeda, xilli uu sii kordhayo muranka u dhexeeya Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

Saraakiisha reer Qadar ayaa sheegaya inay ilaa  15,000  oo geel ah iyo 10,000 oo adhi ahi ay durbaba ka gudbeen xuduudka.

Xeryo degdeg ah, taangiyo biyeysan iyo calaf  ayaa looga sameeyay Qadar gudaheeda.

Dad badan oo reer Qadar ah ayaa  xoolahooda  ku dhaqda Saudi Arabia, iyada oo sababtuna tahay boqortooyada yare e Qadar oo aan laheyn dhul daaqsimeed ku filan.

 

Wasaarada dowladaha hoose iyo deegaanka  ayaa sheegtay in xeryaha la sameeyay ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta goobo ku haboon laga diyaarinayo.

Jassim Qattan oo ah sarkaal reer Qadar ah ayaa u sheegay  al-Raya website isniintii inay  25,000  oo geel iyo adhi ahi ay durba dib ugu soo noqdeen Qadar.

 

Leave a Reply